عَنِ ابْنَ مَسْعُودٍ رضي الله عنه قَالَ:
عَلَّمَنِي رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، وَكَفِّي بَيْنَ كَفَّيْهِ، التَّشَهُّدَ، كَمَا يُعَلِّمُنِي السُّورَةَ مِنَ القُرْآنِ: «التَّحِيَّاتُ لِلَّهِ، وَالصَّلَوَاتُ وَالطَّيِّبَاتُ، السَّلاَمُ عَلَيْكَ أَيُّهَا النَّبِيُّ وَرَحْمَةُ اللَّهِ وَبَرَكَاتُهُ، السَّلاَمُ عَلَيْنَا وَعَلَى عِبَادِ اللَّهِ الصَّالِحِينَ، أَشْهَدُ أَنْ لاَ إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ، وَأَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ».
وفي لفظ لهما: «إِنَّ اللهَ هُوَ السَّلَامُ، فَإِذَا قَعَدَ أَحَدُكُمْ فِي الصَّلَاةِ فَلْيَقُلْ: التَّحِيَّاتُ لِلَّهِ وَالصَّلَوَاتُ وَالطَّيِّبَاتُ السَّلَامُ عَلَيْكَ أَيُّهَا النَّبِيُّ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ، السَّلَامُ عَلَيْنَا وَعَلَى عِبَادِ اللهِ الصَّالِحِينَ، فَإِذَا قَالَهَا أَصَابَتْ كُلَّ عَبْدٍ لِلَّهِ صَالِحٍ فِي السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ، أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، وَأَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ، ثُمَّ يَتَخَيَّرُ مِنَ الْمَسْأَلَةِ مَا شَاءَ».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 6265]
المزيــد ...
Cabdullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyadoo calacashaydu ay saaran tahay labdiisa calaacalood ayuu i baray Ataxiyaadka, sida uu ii barayey Suurada Qur'aanka ah, "Ataxiyaatu "salaamo", lilaahi "Ilaahay ayey u sugnaadeen", wa salawaatu "Salaado", Adayibaatu "wanaagyo", Asalaamu calayka "nabadi korkaaga ha ahaato", Ayuha Nabiyu, "Nabiyahaw", wa Raxmatu Allaahi wa Barakaatuh, "iyo naxariista Ilaahay iyo Barakooyinkiisu", Asalaamu calaynaa, wa calaa Cibaadi Allaahi Saalixiina "nabadi korkayaga ha ahaato anaga iyo Adoomada Ilaahay ee Saalixiinta ah", Ashhadu Alaa Ilaaha Ilaa Allaah, "waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah aan Allaah wayne ahayn, wa Ashhadu ana Maxamed Rasuulu Allaah, "waxaan qirayaa inuu Maxamedna yahay Adoonkiisa iyo Rasuulkii Ilaahay soo diray". Ruwaayad kale oo labadoodu wariyeen waxay ahayd: "Ilaahay isagaa Salaam ah, hadii midkiin u fariisto Salaada ha dhoho: "Ataxiyaatu lilaah, wa salawaatu wa dayibaatu Asalaamu calayka ayuha Nabiyo wa Eaxmatu Allaah wa barakaatuh, Asalaamu calaynaa wa calaa Cibaadi Allaahi Saalixiina, marka uu dhoho intaa way gaaraysaa ducadaasi Adoon kasta oo Saalix ah oo ku sugan samada iyo dhulkaba, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu cibaado oo aan Ilaahay ahayn, waxa kale oo aan qirayaa inuu Maxamedna yahay Adoon Ilaahay iyo Rasuulkiisa, intaa ka dib ducada waxa uu doonuu ku ducaysanayaa."
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 6265]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu baray Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali noqdee- Ataxiyaadka Salaada la akhriyo, isagoo Gacanta ganta u saaray, si uu Nabigu
nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Ibnu Mascuud u soo jeediyo sida marka uu suurad Qur'aanka ah barayo oo kala, arinkaasina wuxuu ina tusayaa dadaalka uu Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku bixinayey Ataxiyaadka Eray ahaan iyo macno ahaanba. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: " Ataxiyaatu lilaah'': waana hadal iyo ficil kasta oo tusaya wayni iyo qadarin, dhamaantoodna Ilaahay Casa Wajala ayaa xaq u leh. " Asalawaatu'': waana Salaada la yaqaan, faralakeeda iyo Sunaheeduba Ilaahay ayey u sugnaatay. " Adayibaatu" Waa hadalada iyo ficilada iyo Sifooyinka wanaagsan ee tusaya kaamilnimada dhamaantoodna Ilaahay ayey u sugnaadeen. " Asalaamu calayka ayuha Nabiyu wa Raxmatu Allaahi wa Barakaatuh '': Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa loogu ducaynayaa in Ilaahay ka nabadgeliyo aafo iyo wax xun oo dhan uuna u siyaadiyo una badiyo khayr oo dhan. " Asalaamu calaynaa wa calaa cibaadi Allaahi Saalixiin": Waa duco nabad loogu ducaynayo Qofka tukanaya iyo Adoon kasta oo saalix ah oo ku sugan Samada ama Dhulka. "Ash hadu Alaa Ilaaha Ilaa Allaah": Waxaan qirayaa qiritaan ga'aana inaanu jirin Macbuud xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn. " Wa ana Maxamedan Cabduhu wa Rasuuluh': Nabi Maxamed waxaan u qirayaa Aadoonimo iyo Risaalada khaatimada ah.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu ku booriyey Qofka tukanaaya inuu ducaduu doono ku ducaysto.