+ -

عن عُثْمَانَ بْنَ أَبِي الْعَاصِ رضي الله عنه:
أنه أَتَى النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ: يَا رَسُولَ اللهِ، إِنَّ الشَّيْطَانَ قَدْ حَالَ بَيْنِي وَبَيْنَ صَلَاتِي وَقِرَاءَتِي يَلْبِسُهَا عَلَيَّ، فَقَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «ذَاكَ شَيْطَانٌ يُقَالُ لَهُ خِنْزَِبٌ، فَإِذَا أَحْسَسْتَهُ فَتَعَوَّذْ بِاللهِ مِنْهُ، وَاتْفُلْ عَلَى يَسَارِكَ ثَلَاثًا»، قَالَ: فَفَعَلْتُ ذَلِكَ فَأَذْهَبَهُ اللهُ عَنِّي.

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2203]
المزيــد ...

Cusmaan Binu Abil Caas Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey:
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu u yimid oo ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, shaydaan ayaa Salaadii iyo akhrintii iga dhex galay oo iga qasay, Rasuulku wuxuu ku yiri: "kaasi waa Shaydaan la dhoho: Khinsab, markaad dareento ka cuwdu billayso, xaga bidixna seddex jeer candhuuf u tuf", wuxuu yiri: sidaasaan sameeyey Ilaahay ayaana iga kaxeeyey.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2203]

Sharraxaad

Cusmaan Binu Abil Caas Allaha ka raali ahaade ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna yiri: Rasuulka Ilaahyow, Shaydaan ayaa salaadayda iga dhex galay, wuxuuna ii diiday inaan ku khushuuco, akhriskaygana wuu iga khal-khaliyey, shakina wuu iga galiyey. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: kaasi waa Shaydaan la dhoho: khinsab, haduu kuu yimaado eed dareentid Ilaahay ka hoos gal, oo ka cuwdu bilayso, xaga bidixdaadna seddex jeer candhuuf yar u tuf, Cusmaan ayaa yiri: waxaan sameeyey sidaa Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ii sheegay, Ilaahayna wuu iga kexeeyey.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa muhiim in Salaada lagu khushuuco qalbigana la soo xaadiriyo, Shaydaankuna wuxuu ku dadaalaa inuu was-waas iyo shaki ku furo Qofka tukanaaya.
  2. Waa suno in laga cuwdu bilaysto Shaydaanka markuu Salaada was-waas ku furo, iyo in candhuuf seddex jeer loo tufo xaga bidix.
  3. Xadiiska waxaa ku sugan cadayn in Saxaabadu ahaayeen kuwo u la noqda Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee mushkilad kastoo la soo darista, si uu u la xaliyo.
  4. Saxaabada qalbigoodu wuxuu ahaa mid nool, hamigooduna wuxuu ahaa Aakho kaliya.
Tarjumada: Engriisi Urduu Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga الولوف Adrabijaan Luqadda yukreyn الجورجية
Bandhigga tarjumada.