عن عُثْمَانَ بْنَ أَبِي الْعَاصِ رضي الله عنه:
أنه أَتَى النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ: يَا رَسُولَ اللهِ، إِنَّ الشَّيْطَانَ قَدْ حَالَ بَيْنِي وَبَيْنَ صَلَاتِي وَقِرَاءَتِي يَلْبِسُهَا عَلَيَّ، فَقَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «ذَاكَ شَيْطَانٌ يُقَالُ لَهُ خِنْزَِبٌ، فَإِذَا أَحْسَسْتَهُ فَتَعَوَّذْ بِاللهِ مِنْهُ، وَاتْفُلْ عَلَى يَسَارِكَ ثَلَاثًا»، قَالَ: فَفَعَلْتُ ذَلِكَ فَأَذْهَبَهُ اللهُ عَنِّي.

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2203]
المزيــد ...

Cusmaan Binu Abil Caas Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey:
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu u yimid oo ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, shaydaan ayaa Salaadii iyo akhrintii iga dhex galay oo iga qasay, Rasuulku wuxuu ku yiri: "kaasi waa Shaydaan la dhoho: Khinsab, markaad dareento ka cuwdu billayso, xaga bidixna seddex jeer candhuuf u tuf", wuxuu yiri: sidaasaan sameeyey Ilaahay ayaana iga kaxeeyey.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2203]

Sharraxa

Cusmaan Binu Abil Caas Allaha ka raali ahaade ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna yiri: Rasuulka Ilaahyow, Shaydaan ayaa salaadayda iga dhex galay, wuxuuna ii diiday inaan ku khushuuco, akhriskaygana wuu iga khal-khaliyey, shakina wuu iga galiyey. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: kaasi waa Shaydaan la dhoho: khinsab, haduu kuu yimaado eed dareentid Ilaahay ka hoos gal, oo ka cuwdu bilayso, xaga bidixdaadna seddex jeer candhuuf yar u tuf, Cusmaan ayaa yiri: waxaan sameeyey sidaa Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ii sheegay, Ilaahayna wuu iga kexeeyey.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Waa muhiim in Salaada lagu khushuuco qalbigana la soo xaadiriyo, Shaydaankuna wuxuu ku dadaalaa inuu was-waas iyo shaki ku furo Qofka tukanaaya.
  2. Waa suno in laga cuwdu bilaysto Shaydaanka markuu Salaada was-waas ku furo, iyo in candhuuf seddex jeer loo tufo xaga bidix.
  3. Xadiiska waxaa ku sugan cadayn in Saxaabadu ahaayeen kuwo u la noqda Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee mushkilad kastoo la soo darista, si uu u la xaliyo.
  4. Saxaabada qalbigoodu wuxuu ahaa mid nool, hamigooduna wuxuu ahaa Aakho kaliya.
Bandhigga Tarjamooyinka
Luuqadda: الإنجليزية الأوردية الإسبانية Siyaadin (61)