+ -

عن أبي هريرة رضي الله عنه: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول:
«قَالَ اللهُ تَعَالَى: قَسَمْتُ الصَّلَاةَ بَيْنِي وَبَيْنَ عَبْدِي نِصْفَيْنِ، وَلِعَبْدِي مَا سَأَلَ، فَإِذَا قَالَ الْعَبْدُ: {الْحَمْدُ لِلهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ}، قَالَ اللهُ تَعَالَى: حَمِدَنِي عَبْدِي، وَإِذَا قَالَ: {الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ}، قَالَ اللهُ تَعَالَى: أَثْنَى عَلَيَّ عَبْدِي، وَإِذَا قَالَ: {مَالِكِ يَوْمِ الدِّينِ}، قَالَ: مَجَّدَنِي عَبْدِي، -وَقَالَ مَرَّةً: فَوَّضَ إِلَيَّ عَبْدِي-، فَإِذَا قَالَ: {إِيَّاكَ نَعْبُدُ وَإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ}، قَالَ: هَذَا بَيْنِي وَبَيْنَ عَبْدِي وَلِعَبْدِي مَا سَأَلَ، فَإِذَا قَالَ: {اهْدِنَا الصِّرَاطَ الْمُسْتَقِيمَ، صِرَاطَ الَّذِينَ أَنْعَمْتَ عَلَيْهِمْ غَيْرِ الْمَغْضُوبِ عَلَيْهِمْ وَلا الضَّالِّينَ}، قَالَ: هَذَا لِعَبْدِي وَلِعَبْدِي مَا سَأَلَ».

[صحيح] - [رواه مسلم]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu ka maqlay Rasuulka scw isagoo dhahaya:
" Ilaahay sareeye wuxuu yiri: salaada waxaan u kala qaybiyey aniga iyo adoonkayga laba nus, adoonkayguna wuxuu i waydiistuu leeyahay, hadii adoonku dhoho: {mahadi Rabiga caalamiinta ayey u sugnaatay}, Ilaahay sareeye wuxuu oran: adoonkaygaa iimahad naqay, haduu dhoho: {Allaha naxariista guud iyo tan gaarka leh}, Ilaahay sareeye wuxuu oran: adoonkaygaa i amaanay, haduu dhoho: {Allaha iska leh amarka maalinta qiyaamaha}, Ilaahay sareeye wuxuu oran: adoonkaygaa isharfay,- marna wuxuu oran: adoonkaygaa taladiisa ii dhiibtay-, haduu dhoho: {kaligaa ayaan caabudaynaa, oo kaligaa ayaan kaalmaysanaynaa }, Ilaahay sareeye wuxuu oran: taasi Aniga iyo adoonkaygay noo dhaxaysaa, adoonkayguna wuxuu i waydiistuu leeyahay, haduu dhoho: {nagu hanooni jidka toosan, jidka kuwii aad u nicmaysay, oo hana marin jidka kuwa aad u carootay iyo kuwa xaqa ka lumay}, wuxuu Ilaahay sareeye oran: taasi Aniga iyo adoonkayga ayey naga dhaxaysaa, adoon kayguna wuxuu i waydiistuu leeyahay."

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay: in Ilaahay sareeye ku yiri xaddiis Alqudsiga: suurada faatixada ee salaada lagu akhriyo waxaan u kala qaybiyey aniga iyo adoonkayga labo nus, nus anigaa leh, nusna isagaa leh.
Nuskeeda koobaad: waa mahadnaq, amaan iyo Ilaahay oo la sharfo, adoonkayga waxan ku abaal marin abaal marinta ugu khayr badan.
Nuskeeda labaad: waa is bihin bihin iyo baryo, waan ka ajiibin wuxuu i waydiistona waan siin.
Haduu dhoho qofka tukanaaya:{mahad oo shan waxay u sugnaatay Rabiga Caalamka }, Ilaahay wuxuu oran: wuu ii mahadnaqay adoonkaygu, haduu dhoho: {Allaha naxariista guud iyo tan gaarka ah leh}, Ilaahay wuxuu oran: wuu i amaanay adoonkaygu, waana i waynayey uuna ii qiray nicmooyinka aan ku galadaystay khalqigayga, haduu dhoho: {Allaha iska leh amarka maalinta qiyaamaha}, Ilaahay wuxuu oran: wuu i sharfay adoonkaygu, waana sharaf balaaran.
Haduu dhoho: {Alahayow, Adaan ku caabudaynaa oo ku kaalmaysanaynaa}, Ilaahay wuxuu oran: taasi waxay u dhaxaysa aniga iyo adoonkayga.
Nuska koowaad ee aayadu Ilaahay ayaa leh waana:(Adaan ku caabudaynaa), waana qirid Ilaahay loo qirayo Ilaahnimadiisa, iyo inuu ka ajiibay adoonka cibaadada, halkaasayna ku egtahay nuska Ilaahay leeyahay.
Nuska labaad ee aayada, ee adoonku leeyhay: (Adiga oo kaliya ayaan ku kaalmaysanaynaa), waana Ilaahay oo gargaar la waydiisto, iyo Ilaahay oo u balan qaaday inuu kaalmaynayo.
Haduu dhoho: {nagu hanooni jidka toosan *, jidka ay mareen kuwaad u nicmaysay, ee aan ahayn kuwaad u carootay iyo kuwa xaqa ka lumay, Ilaahay wuxuu oran: taasi waa is bihin bihin iyo baryo adoonkayga ka timid, adoonkayguna wuxuu i waydiistuu leeyahay, waana ka ajiibay baryadiisa.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Luqadda turkiga. Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda fiitnaam Luqadda hawsaha Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Faatixa xaalkeedu waa wayn yahay Ilaahay wuxuu ku magacaabay (salaad).
  2. Waxaa ku cad xaddiiska in Ilaahay daryeelay adoonkiisa, amaanta Ilaahay uu amaanay adoonka wuxuu sabab uga dhigay in adoonku Ilaahay ku xamdiyey, amaanay, sharfay iyo inuu u balan qaadey inuu siinayo wuxuu waydiisto.
  3. Suuradaan wayn waxay koobtay, Ilaahay mahadiisa, xuska qiyaamaha, baryada Ilaahay, in loo khaalis yeelo Ilaahay cibaadada, Ilaahay oo la waydiisto inuu ku hanuuniyo jidka toosan, iyo in laga digtoonaado jidka baadilka.
  4. Qofka tikanayaa waa inuu dareemo xadiiskan -markuu faatixada akhriyaayo-waxaa kor dhaya khushuucdiisa salaada.