عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ: أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«صَلَاةٌ فِي مَسْجِدِي هَذَا خَيْرٌ مِنْ أَلْفِ صَلَاةٍ فِيمَا سِوَاهُ إِلَّا الْمَسْجِدَ الْحَرَامَ».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 1190]
المزيــد ...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri:
"Salaada lagu tukado Masajidkaygan waxay ka khayr badan tahay kun Salaadood oo lagu tukaday Msaajida kale ee isaga kasoo haray marka laga reebo Masajidka Xaramka".
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 1190]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey fadliga ay leedahay Salaada lagu tukado Masajidkiisa, iyo inay ka fadli badan tahay kun Salaadood oo Masaajida kale ee dhulka, ee aan ahayn Masajidka Xaramka Makkah, waayo Masaajidka Xaramka Makkah Salaada lagu tukadaa way ka fadli badan tahay tan lagu tukado Masjidka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.