+ -

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«أَمَا يَخْشَى أَحَدُكُمْ - أَوْ: لاَ يَخْشَى أَحَدُكُمْ - إِذَا رَفَعَ رَأْسَهُ قَبْلَ الإِمَامِ، أَنْ يَجْعَلَ اللَّهُ رَأْسَهُ رَأْسَ حِمَارٍ، أَوْ يَجْعَلَ اللَّهُ صُورَتَهُ صُورَةَ حِمَارٍ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 691]
المزيــد ...

Abii Hurayra-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Miyaanu midkiin ka baqayn-ama midkiin miyaanu ka cabsanayn haduu Madaxiisa kor u soo qaadoImaamka ka hor in Ilaahay Madaxiisa ka dhigo Madax Dameer, ama uu Ilaahay Suuradiisa ka dhigo Suurad Dameer."

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 691]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey goodi adag oo ku soo arooray Qofka Madaxiisa kor u soo qaada Imaamkiisa ka hor, in Ilaahay ka dhigo Madaxiisa Madax Dameer ama Suuradiisa ka dhigo Suurada Dameer.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Ma'amuumka la tukanaya Imaamka xaalkiisu waa afar: ssddex waa la iska reebay, waana: ka horayn, garab socod iyo ka daahid, Ma`muumkana waxaa laga rabaa: inuu Imaamka raaco.
  2. Ma`muumku inuu Imaamka Salaada ku raaco waa waajib.
  3. Goodiga ah in loo badali doono Suurada Qofka ka hor qaada Madaxiisa Imaamka ka hor Suurad Dameer arin suuragal ah, wuxuuna ka mid yahay masakhaada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Oromo Luqadda kinaadiga الولوف Adrabijaan Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.