عن عَائِشَةَ رضيَ الله عنها قالت: إِنِّي سمعْتُ رسولَ الله صلى الله عليه وسلم يقول:
«لَا صَلَاةَ بِحَضْرَةِ الطَّعَامِ، وَلَا هُوَ يُدَافِعُهُ الْأَخْبَثَانِ».
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 560]
المزيــد ...
Caa'isha Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inay tiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri:
"Salaad lama tukan karo hadii cunto la soo dhigo iyo hadii Qofku labada Nijaaso isku celinaaya".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 560]
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay in Salaad la tukado hadii Cunto la soo dhigay, taasoo Nafta Qofka tukanayaa ay rabto oo uu Qalbiga ku hayo.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu kaloo uu reebey inuusan tukan karin Qofka isku celinaaya labada Najaaso oo ah Kaadida iyo Saxarada, waayo wuxuu mashquul ku yahay inuu dhib isku celiyo.