+ -

عَنْ أَبِي قَتَادَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«لَا يُمْسِكَنَّ أَحَدُكُمْ ذَكَرَهُ بِيَمِينِهِ وَهُوَ يَبُولُ، وَلَا يَتَمَسَّحْ مِنَ الْخَلَاءِ بِيَمِينِهِ، وَلَا يَتَنَفَّسْ فِي الْإِنَاءِ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح مسلم: 267]
المزيــد ...

Abii Qataada-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri:
"Yaanu midkiin ku qaban midigtiisa guskiisa isagoo kaadinaaya, oo yaanu midigtiisa isaga tirin najaasada, oo yaanu ku neefsan weelka uu ku cabayo.

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix Muslim - 267]

Sharraxaad

Nabigu -naxariis iyo nabdi korkiisa ha ahaatee-wuxuu cadeeyey qaar ka mida aadaabta, isagoo reebay in ninku midigtiisa ku qabto guskiisa markuu kaadinaayo wuxuu kaloo reebay inuu gacantiisa midig uu kaga tiro najaasada guska ama dabada, waayo midigtu waxay u diyaarsan tahay waxyaabaha fiican. Sidaasoo kale wuxuu reebay inuu qofku ku neefsado weelka uu wax ku cabaayo.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda dariya Luqadda roomaaniya Oromo
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waxaa cad in Islaamku ugu horeeyey aadaabta iyo nadaafada.
  2. Waa in laga fogaado waxyaabaha qurunka ah, hadayse daruuri noqoto waa in gacanta bidix loo adeegsado.
  3. Waxaa la cadeeyey sharafta ay leedahay midigtu iyo inay wax dheer tahay bidixda.
  4. Shareecada Islaamku waa mid kaamil ah, cilmiga shareecaduna waa mid wax walba ku dhan yihiin.