عن أبي موسى رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال:
«لا نِكَاحَ إِلّا بِوَليٍّ».

[صحيح] - [رواه أبو داود والترمذي وابن ماجه وأحمد] - [سنن أبي داود: 2085]
المزيــد ...

Abii Muusa Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu yiri:
"Ma jiro Nikaax weli la'aanti dhacaya".

[Xadiis Saxiix ah] - [Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Ibnu Maajah, Iyo Axmed] - [Sunan Abii Daa'uud - 2085]

Sharraxa

Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu sheegay inay Gabadha Nikaaxeedu aanu ansaxayn weli nikaaxiya la`aanti.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Weligu wuxuu shardi u yahay nikaaxu inuu ansaxo, haduu weli la`aan la nikaaxo ama Gabadhu iyadu isu Guuriso Nikaas ma ansaxaayo Nikaaxu.
  2. Waligu waa ninka ugu dhow Gabadha, uma guurinaayo wali ka fog iyadoo mid uga dhawaa joogo.
  3. Waliga waxaa u shardi ah: inuu yahay Qof Masuula oo nin ah, waa inuu yaqaan maslaxada nikaaxa, waa inay isaga iyo gabadhu isku Diin yihiin, Qofka aan Sifooyinkaas laga helin wali uma noqonkaro nikaax.
Bandhigga Tarjamooyinka
Luuqadda: الإنجليزية الأوردية الإسبانية Siyaadin (60)