عن عُمر بن أبي سلمة رضي الله عنه قال:
كُنْتُ غُلَامًا فِي حَجْرِ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، وَكَانَتْ يَدِي تَطِيشُ فِي الصَّحْفَةِ، فَقَالَ لِي رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «يَا غُلَامُ، سَمِّ اللهَ، وَكُلْ بِيَمِينِكَ، وَكُلْ مِمَّا يَلِيكَ» فَمَا زَالَتْ تِلْكَ طِعْمَتِي بَعْدُ.
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 5376]
المزيــد ...
Cumar Binu Abii Salama Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Anoo ah Wiil yar oo ku nool Guriga Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayey Gacantaydu xeerada ku dhex wareegtay markaasaa Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee igu yiri: yarow Bismi Allah dheh oo Midigta ku cun, oo ka cun dhinaca ku soo xiga, intii ka danbaysay sidaas ayaan u cuni jiray cuntada.
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 5376]
Cumar Binu Abii Salama-Allaha ka raali ahaade wuxuu sheegay inuu ahaa Wiilkii yar oo ay dhashay xaaskii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ee Umu Salama Allaha ka raali ahaadee- waxaana Gacanta ku hayey oo tarbiyeynaayey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo Nabiga wax la cunaya ayuu weelkii cuntada dhinacyada cunto ka qaatay, markaasuu Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu baray seddexdan aadaabta cuntada ku saabsan.
Tan 1aad: waa erayga "Bismillaah" bilawga cuntada.
Tan 2aad: Midigta oo lagu cuno.
Tan 3aad: waa inuu cuntaa ka cuno dhinaca u dhaw isaga.