عن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه قال:
عَلَّمَنَا رَسُوْلُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ خُطْبَةَ الحَاجَةِ: إِنَّ الحَمْدَ للهِ، نَسْتَعِيْنُهُ وَنَسْتَغْفِرُهُ، وَنَعُوْذُ بِهِ مِنْ شُرُوْرِ أَنْفُسِنَا، مَنْ يَهْدِ اللهُ فَلَا مُضِلَّ لَهُ، وَمَنْ يُضْلِلْ فَلَا هَادِيَ لَهُ، وَأَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا الله، وَأَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُوْلُهُ، {يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُوا رَبَّكُمُ الَّذِي خَلَقَكُمْ مِنْ نَفْسٍ وَاحِدَةٍ وَخَلَقَ مِنْهَا زَوْجَهَا وَبَثَّ مِنْهُمَا رِجَالًا كَثِيرًا وَنِسَاءً وَاتَّقُوا اللَّهَ الَّذِي تَسَاءَلُونَ بِهِ والأرحام إن الله كان عليكم رقيبا} [النساء: 1]، {يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ حَقَّ تُقَاتِهِ وَلَا تَمُوتُنَّ إِلَّا وَأَنْتُمْ مُسْلِمُونَ} [آل عمران: 102]، {يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَقُولُوا قَوْلًا سَدِيدًا (70) يُصْلِحْ لَكُمْ أَعْمَالَكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَمَنْ يُطِعِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ فَازَ فَوْزًا عَظِيمًا} [الأحزاب:70 - 71].
[صحيح] - [رواه أبو داود والترمذي وابن ماجه والنسائي وأحمد] - [سنن أبي داود: 2118]
المزيــد ...
Cabdullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri:
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu nabaray khudbatul-xaajada,: mahad Ilaahay ayaa iskaleh, Isagaanan kaalmaysanaynaa oo dambi dhaaf waydiisanaynaa, Isagaanan ka magan gelaynaa sharka naftayada, Qofkuu Ilaahay hanuuniyo cid baadiyeyn kartaa ma jirto, Qofkuu Ilaahay baadiyeeyona cid hanuunin kartaa ma jirto, waxaan qirayaa in uusan jirin mid xaq lagu caabudo Ilaahay mooyee, Maxamedna Adoonkiisa iyo Rasuulka uu soo diray yahay, {dadoow Rabigiinii naf kaliya idinka abuuray ka baqa, ee lamaanaheedana isla naftaa ka abuuray, ee ka abuuray labadaa nafood raga iyo dumar badan, ka baqa Allaha isaga dartii aad wax isku waydiisataan iyo qaraabada Ilaahay wuxuu ahaaday mid idin arka oo og waxaad laabihiina ku qarinaysaan} [Annisaa:1], {kuwa
'Ilaahay iyo Rasuulkiisa rumeeyow Ilaahay uga cabsada sida ugu wanaagsan ee xaqa uu u leeyahay in looga cabsado, hana soo dhimanina inaad Muslimiin tihiin mooye} [Aala cimran:102], {kuwa Ilaahay iyo Rasuulkiisa rumeeyow Ilaahay ka cabsada oo hadal toosana dhaha (70) wuu idiin hagaajin camalkiina dambigiinana idiin dhaafi Qofka Ilaahay iyo Rasuulkiisa addeeca ee u hogaansanaada dhab ahaan guul wayn buu ku guulaystay} [ Al axsaab:70-71].
[Xadiis Saxiix ah] - [waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi,ibn maajah,nasaa.i,iyo Axmad] - [Sunan Abii Daa'uud - 2118]
Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaade wuxuu sheegay in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee baray khudbatul-xaajada, waana khudbada lagu furo hadalka khudbadaha, iyo ka hor khudbad walba oo ay dan leeyihiin, iyo khud badaha kalaba sida nikaaxa, khudbada jumcada, iyo kuwa kaleba. khudbadani waxay koobaysaa umuuro waawayn, oo ay ka mid tahay in Ilaahay xaq u leeyahay noocyada xamdiga oo dhan, iyo gargaarka oo Isaga keligii la waydiisto loona shariig yeelin, iyo Isagoo la waydiisto asturka dambiyada iyo dhaafi taankoodaba, iyo Isagoo sharka laga hoos galo, sharka nafta iyo shar oo dhan.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu sheegay inuu hanuunku Ilaahay Gacantiisa ku jiro , qofkuu hanuuniyana cid lumin kartaa aanay jirin, midka uu lumiyana cid hanuun siin kartaa aanu helayn.
Ka dib wuxuu sheegay ashahaadada tawxiidka oo ah inaanu jirin mid xaq lagu caabudo oo aan Allaha ahayn, iyo qiritaanka Nabinimada Nabi Maxamed iyo inuu yahay Adoonka Ilaahay iyo Rasuulkiisa.
wuxuuna ku khatimay khudba aayadahan seddexda ah, kuwaasoo ka kooban Ilaah ka cabsi, iyo fulinta amarada Ilaahay, iyo kafogaanshaha wuxuu reebay, iyadoo Ilaahay wajigiisa lagu doonayo, cida wanaagaa samaysana waxaa abaal marin looga dhigayaa camalkiisa, hadalkiisa, oo wanaagsanaada, iyo dambigiisa oo loo dhaafo, nolol wanaagsan oo Aduunka ah iyo inuu helo liibaan weyn oo jano ah Maalinta Qiyaamaha.