+ -

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال:
أَتَى النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ رَجُلٌ أَعْمَى، فَقَالَ: يَا رَسُولَ اللهِ، إِنَّهُ لَيْسَ لِي قَائِدٌ يَقُودُنِي إِلَى الْمَسْجِدِ، فَسَأَلَ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَنْ يُرَخِّصَ لَهُ فَيُصَلِّيَ فِي بَيْتِهِ، فَرَخَّصَ لَهُ، فَلَمَّا وَلَّى دَعَاهُ، فَقَالَ: «هَلْ تَسْمَعُ النِّدَاءَ بِالصَّلَاةِ؟» فَقَالَ: نَعَمْ، قَالَ: «فَأَجِبْ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 653]
المزيــد ...

Abii Hurayra _Allaha ka raali noqde waxa laga wariyey inuu yiri:
Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa u yimid nin indhoole ah, wuxuuna ku yidhi Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Rasuulka Ilaahayow, mahaysto qof Masaajidka ii kaxeeya oo Gacanta i qabta, wuxuuna weydiistay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu u ogolaado inuu Gurigiisa Salaada ku tukado, waanu u ogolaaday Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, laakiin makuu ka dhaqaaqay ayuu u yeeray, wuxuuna ku yiri:" Aadaanka Salaada ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu Rasuulku ku yiri: (ajiib ).

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 653]

Sharraxaad

Nin indhoole ah ayaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u yimi wuxuuna yiri: Rasuul Ilaahayow, ma halayo Qof i caawiya oo Gacanta i qabta oo ii kaxeeya masaajidka, Salaadaha Shanta ah, wuxuu rabay in Rasuulka u fasaxo inuusan jamacada imaan, wuuna u fasaxay, markuu ka dhaqaaqey ayuu u yeeray wuxuuna ku yiri: Aadaanka Salaada ma maqashaa? wuxuu yiri: haa, wuxuu ku yiri: Aadaanka Salaada ajiib.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Salaada Jamaacadu waa waajib, waayo rukhsada waxaa laga qaataa uun shay waajib ah.
  2. Hadalka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ee ah (Ajiib dhawaqa) Qofka maqalaya Aadaanka wuxuu ku tusayaa inay waajib tahay Salaada Jamaacada ahi, waayo amarka asalkiisu waa waajib.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Talyaani Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.
dheeraad/kordhin