+ -

«إِذَا شَكَّ أَحَدُكُمْ فِي صَلَاتِهِ، فَلَمْ يَدْرِ كَمْ صَلَّى ثَلَاثًا أَمْ أَرْبَعًا، فَلْيَطْرَحِ الشَّكَّ، وَلْيَبْنِ عَلَى مَا اسْتَيْقَنَ، ثُمَّ يَسْجُدُ سَجْدَتَيْنِ قَبْلَ أَنْ يُسَلِّمَ*، فَإِنْ كَانَ صَلَّى خَمْسًا شَفَعْنَ لَهُ صَلَاتَهُ، وَإِنْ كَانَ صَلَّى إِتْمَامًا لِأَرْبَعٍ كَانَتَا تَرْغِيمًا لِلشَّيْطَانِ».
[صحيح] - [رواه مسلم]
المزيــد ...

Abii saciid al khudri-Allaha karraalli ahaadee-waxuu dhahay: rasuulka Alle-naxariis iyo nabadi korkiiye-ayaa dhahay:
((Markuu midkiin kashakiyo salaaddiisa, ee uu garan waayo saddex muu tukaday mise afar, hatuuro shakiga, oo ha kudhiso-hakabilaabo- inta uu hubo, hana sujuudo labo sujuudood oo sahwi ah salaama naqsiga kahor, hadduu shan tukado salaaddiisay buuxinayaan-sujuudu sahwigu- oo witriga ka bi.inayaan, hadduu afar buuxiyeyna shaydaankay dullaynayaa)).

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiiye-waxuu caddeeyey in qofka tukanaya mrkuu kashakiyo imisuu tukaday salaaddiisa, saddex mise afar? inuu iska fogeeyo/inaanu qaadan tirada uu kashakisan yahay, saddexda ayaa hubaal u.ah,rakcad afraadna haku daro, labo sujuudoodna ha layimaado intaanu salaama naqsan.
Hadduu afar tukaday marka hore,shan rakcadood bay noqonaysaa marka rakcaddaa lagu daro,labada sujuudoodna baddal bay ka ahaanayaan rakcad,sidaasayna tiradu kubuuxsamaysaa,hadday rakcadda saa.idka ah afartu ugu buuxdana siyaado iyo nusqaan la.aan buu tukaday salaaddiisa.
Labada sujuudood ee sahwiguna shaydaankay dullaynayaan,waxuuna ahaanayaa ku hongoobay oo kuguul darraystay ujeedadiisii,waayo salaaddiisuu shaki geliyey,inay kajabtuuna ugu talagalay, wayse dhammaystiran tarantay saadda qofku markuu amarka Eebbee sujuudda ah uhoggaan samay,taasoo ibliis Alle kucaasiyey markii uu diiday inuu amarka Alle fuliyo oo Aadam usujuudo.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda taylandiga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda qer-qeesiya Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Qofka tukanaya markuu salaaddiisa kashakiyo inta uu tukaday,ee waxba ukala caddaan waayo,inta shakigu kataagan yahay buu tuurayaa inta uu hubana wuu kudhisayaa salaaddiisa, waana inta yar, sidaabuuna salaaddiisa udhammays tiranayaa, sujuudu sahwina wuu la.imanayaa salaama naqsiga kahor.
dheeraad/kordhin