+ -

«‌لَيَبْلُغَنَّ ‌هَذَا الأَمْرُ مَا بَلَغَ اللَّيْلُ وَالنَّهَارُ، وَلَا يَتْرُكُ اللهُ بَيْتَ مَدَرٍ وَلَا وَبَرٍ إِلَّا أَدْخَلَهُ اللهُ هَذَا الدِّينَ*، بِعِزِّ عَزِيزٍ أَوْ بِذُلِّ ذَلِيلٍ، عِزًّا يُعِزُّ اللهُ بِهِ الإِسْلَامَ، وَذُلًّا يُذِلُّ اللهُ بِهِ الكُفْرَ»* وَكَانَ تَمِيمٌ الدَّارِيُّ يَقُولُ: قَدْ عَرَفْتُ ذَلِكَ فِي أَهْلِ بَيْتِي، لَقَدْ أَصَابَ مَنْ أَسْلَمَ مِنْهُمُ الْخَيْرُ وَالشَّرَفُ وَالْعِزُّ، وَلَقَدْ أَصَابَ مَنْ كَانَ مِنْهُمْ كَافِرًا الذُّلُّ وَالصَّغَارُ وَالْجِزْيَةُ.
[صحيح] - [رواه أحمد]
المزيــد ...

Tamiim addaari-Allaha karraalli ahaadee-waxuu dhahay: rasuulka Alle-naxariis iyo nabadi korkiiye-ayaan kamaqlay isagoo dhahaya:
((Arrinkani(islaamka) waxuu gaadhi doonaa habeenka iyo maalintu halkay gaadhaan,guri magaalo iyo guri baadiyana ilaahay diintiisa wuu gelin,sharafta mid sharafle buuna kugelin ama dullinnimada mid dulli ah, sharaf uu Alle ku sharfayo islaamka, iyo dullayn uu Alle ku dullaynayo kufriga)) waxuu dhihi jiray tamiim addaari: Arrinkaa waxaan ku ogaaday oon ku arkay qaraabadayda, dhab ahaan khayr iyo sharaf bay heleen kuwa islaama, kuwa gaalnimo kuhadhayna waxaa haleelay dulli,yaraysi iyo cashuur badaxeed inay bixiyaan.

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Axmed.

Sharaxaad

Waxuu kawarramay rasuulka Alle-naxariis iyo nabadi korkiiye- inuu islaamku faafi doono, oo arlada Alle uu caam yeeli doono,meelkasta oo habeenka iyo maalitu gaadhaanna uu gaadhi islaamku, Guri kasta meeshuu doonaba hakuyaallee magaalo,baadiye,saxaraha uu ilaahay gelin doono diinta islaamka, Qofka qaata diinta islaamka ee iimaanka laga helo waxuu kusharfanaanayaa sharafta islaamka, Midka iska diida ee gaalnimo kadoortana dullinnimo iyo yasitaan layaso ayuu mudanayaa.
intaa kadib saxaabiga tamiim addaari-Allaha karraalli ahaadee- ayaa sheegay inuu arrinkaa ku arkay dadka isaga eheladiisa ah,oo inta ka islaamtay khayr iyo sharaf heleen, inta gaalnimada qaadatayna dulli iyo yasitaan ay ehel unoqdeen, iyagoo ay waliba cashuur madaxeed kuwaajibtay.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda taylandiga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda qer-qeesiya Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Muslimiinta bisharaa ugu sugan xaddiiskan in diintoodu dhulka caam yeeli doonto.
  2. cisiga iyo sharaftu islaamka iyo muslimiintay u.ahaadeen, dulli nimaduna gaalnimada iyo gaaladay usugnaaden.
  3. Xaddiiskan waxaa kusugan daliil cad oo ah caddaymaha muujinaya nabinimada suubbanaha-naxariis iyo nabadi korkiiye- isagoo warkaa uusheegay udhacay sidii uu sheegay.