عن عمران بن حصين رضي الله عنه قال: كَانَتْ بِي بَوَاسِيرُ، فَسَأَلْتُ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَنِ الصَّلَاةِ، فَقَالَ:
«صَلِّ قَائِمًا، فَإِنْ لَمْ تَسْتَطِعْ فَقَاعِدًا، فَإِنْ لَمْ تَسْتَطِعْ فَعَلَى جَنْبٍ».

[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 1117]
المزيــد ...

Cimaraan Binu Xusayn -Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan qabay Baabasiir, Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan waydiiyey sideen Salaada u tukadaa, wuxuuna yiri:
"Ku tuko taagni, hadaadan awoodina fadhi ku tuko, hadaadan awoodin adigoo dhinac u jiifa tuko".

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 1117]

Sharraxa

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Salaada asalkeeda lagu tukado taagni, xaaladaha uu Qofku kariwaayo maahee, markaasoo loo ogol yahay Qofku inuu fadhiga ku tukado, haduu fadhigana awoodi waayo wuxuu ku tukanayaa isagoo dhiniciisa u jiifa.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Salaaddu Qofka kama dhacdo inta caqligiisu joogo, kolba xaalad ayuu u guurayaa inta awoodiisu dhan tahay.
  2. Diinta Islaamku waa mid samaaxo iyo fudayd ah, oo Adoonku wuxuu gudanayaa cibaadada inta uu awoodo.
Bandhigga Tarjamooyinka
Luuqadda: الإنجليزية الأوردية الإسبانية Siyaadin (63)
Siyaadin