+ -

عَنْ أَبِي أُمَامَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«مَنْ قَرَأَ آيَةَ الْكُرْسِيِّ فِي دُبُرِ كُلِّ صَلَاةٍ مَكْتُوبَةٍ لَمْ يَمْنَعْهُ مِنْ دُخُولِ الْجَنَّةِ إِلَّا أَنْ يَمُوتَ».

[صحيح] - [رواه النسائي في الكبرى] - [السنن الكبرى للنسائي: 9848]
المزيــد ...

Abii Umaama-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu yiri:
"Qofka akhriya aayatul-kursiga salaad kasta oo faral ah gadaasheeda, ma jiro wax u diidaya inuu janada galideeda oo aan ahayn inuu dhinto".

[Xadiis Saxiix ah] - - [Sunan Alkubraa Nisaa'i - 9848]

Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay in qofka salaadaha faralka ah gadaashooda akhriya aayatul kursiga ay janada galitaankeeda geeridu uuni ka xigto, waxayna ku jirtaa suurada Albaqara, waana aayadaan: " Macbuud xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn majiro, waana Allaha nool, ِAllaha qayuumka ah, ma qabato lulmo iyo hurdo midna wuxuu iska leeyahay oo u sugnaaday samooyinka iyo dhulka waxa ku sugan oo dhan, yuu yahay midka shafeeco qaadi kara idan la'aantiisa, wuxuu og yahay waxa ka horeeya-dadka- iyo waxa ka dambeeyaba, makoobikaraan oo wax badan kama ogaan karaan cilmiga Ilaahay ee balaaran wax yar oo uu doono maahee, wuu ka balaaran yahay kursigiisu samooyinka iyo dhulkaba, kumana adka Ilaahay ilaalinta samooyinka iyo dhulka, waana Allaha saraynta iyo waynida badan". [Al baqara:255]

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xadiiskaan waxaa ku cad fadliga wayn ee aayatul-kursigu leedahay, waayo waxa ku jira magacyada Ilaahay ee wanaagsan iyo sifooyinkiisa sareeya ah.
  2. Waa sune in la akhriyo aayadan wayn-aayad kursiga- salaad walba oo faral ah gadaasheeda.
  3. Camalka wanaagsani wuxuu sabab u noqdaa galitaanka janada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya الموري Malgaashi Oromo Luqadda kinaadiga الجورجية
Bandhigga tarjumada.