+ -

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرٍو رضي الله عنهما قَالَ: قالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«حَوْضِي مَسِيرَةُ شَهْرٍ، مَاؤُهُ أَبْيَضُ مِنَ اللَّبَنِ، وَرِيحُهُ أَطْيَبُ مِنَ المِسْكِ، وَكِيزَانُهُ كَنُجُومِ السَّمَاءِ، مَنْ شَرِبَ مِنْهَا فَلاَ يَظْمَأُ أَبَدًا».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 6579]
المزيــد ...

Cabdullahi Binu Camar Allaha ka rali ahaado isagiyo ِAabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
Xawdkaygu wuxuu le`eg yahay intii Bil socodkeeda, biyihiisu way ka cad yihiin caanaha, caraftiisuna way ka udug badan tahay Miskiga, weelashiisuna waa sida xidigaha samada, Qofka ku caba waligi ma haraadayo.

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 6579]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu Maalinta Qiyaame leeyahay Xawd, dhererkiisu dhan yahay in loo socdo Bil, balaciisuna intaasoo kale. Biyihiisuna ka cadaan badan yihiin Canaha. Caraftiisuna ka udgoon kana caraf badan Carafta Miskiga. Weelashiisuna waa sida Xidigaha Cirka oo kale badnaantooda. Qofka kaga caba weelashaas Xowdka waligii ma haraadayo.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xowdka Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waa biyo qabad aad u wayn oo ay u soo arooraan Muuminiinta Ummaddiisa Mlinta Qiyaame.
  2. Nicmo ayuu helayaa qofka ka caba xowdka Nabiga scw oo waligii ma haraadayo.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Luqadda foolaaniga Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan اليونانية Luqadda usbiika Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.