عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرٍو رضي الله عنهما قَالَ: قالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«حَوْضِي مَسِيرَةُ شَهْرٍ، مَاؤُهُ أَبْيَضُ مِنَ اللَّبَنِ، وَرِيحُهُ أَطْيَبُ مِنَ المِسْكِ، وَكِيزَانُهُ كَنُجُومِ السَّمَاءِ، مَنْ شَرِبَ مِنْهَا فَلاَ يَظْمَأُ أَبَدًا».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 6579]
المزيــد ...

Cabdullahi Binu Camar Allaha ka rali ahaado isagiyo ِAabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
Xawdkaygu wuxuu le`eg yahay intii Bil socodkeeda, biyihiisu way ka cad yihiin caanaha, caraftiisuna way ka udug badan tahay Miskiga, weelashiisuna waa sida xidigaha samada, Qofka ku caba waligi ma haraadayo.

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 6579]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu Maalinta Qiyaame leeyahay Xawd, dhererkiisu dhan yahay in loo socdo Bil, balaciisuna intaasoo kale. Biyihiisuna ka cadaan badan yihiin Canaha. Caraftiisuna ka udgoon kana caraf badan Carafta Miskiga. Weelashiisuna waa sida Xidigaha Cirka oo kale badnaantooda. Qofka kaga caba weelashaas Xowdka waligii ma haraadayo.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xowdka Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waa biyo qabad aad u wayn oo ay u soo arooraan Muuminiinta Ummaddiisa Mlinta Qiyaame.
  2. Nicmo ayuu helayaa qofka ka caba xowdka Nabiga scw oo waligii ma haraadayo.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (65)