+ -

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ:
«يَقْبِضُ اللَّهُ الأَرْضَ، وَيَطْوِي السَّمَوَاتِ بِيَمِينِهِ، ثُمَّ يَقُولُ: أَنَا المَلِكُ، أَيْنَ مُلُوكُ الأَرْضِ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 4812]
المزيــد ...

Abii Hurayra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- isago dhahaya:
"Ilaahay ayaa dhulka qabanaaya, samooyinkana midigtiisuu ku laa-laabayaa, ka dibna wuxuu dhahayaa: Anaa boqora ee aaway boqorradii dhulku."

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 4812]

Sharraxaad

Nabigu-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay inuu Ilaahay Maalinta Qiyaamah dhulka qaban doono iskuna ururin doono, samadana Midigtiisa ayuu ku laa-laabi doono, Samo walbana tan kale ayuu ku laabi doono, oo wuu baabi'in doono, wuxuuna dhihidoonaa: Anaa Boqora ee aawey Boqoradii Dhulku?!

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xadiiska waxaa ku sugan in la xasuusinayo dadka in Boqornimada Ilaahay baaqi ahaandoonto, Boqornimada Makhluuquna dhamaanayso.
  2. Waynida Ilaahay iyo waynida awoodiisa iyo saldanadisa iyo kaamilnimada Boqortooyadiisa.
Tarjumada: Engriisi Urduu Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Oromo Luqadda kinaadiga الولوف Adrabijaan Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.