عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ:
«يَقْبِضُ اللَّهُ الأَرْضَ، وَيَطْوِي السَّمَوَاتِ بِيَمِينِهِ، ثُمَّ يَقُولُ: أَنَا المَلِكُ، أَيْنَ مُلُوكُ الأَرْضِ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 4812]
المزيــد ...

Abii Hurayra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- isago dhahaya:
"Ilaahay ayaa dhulka qabanaaya, samooyinkana midigtiisuu ku laa-laabayaa, ka dibna wuxuu dhahayaa: Anaa boqora ee aaway boqorradii dhulku."

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 4812]

Sharraxaad

Nabigu-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay inuu Ilaahay Maalinta Qiyaamah dhulka qaban doono iskuna ururin doono, samadana Midigtiisa ayuu ku laa-laabi doono, Samo walbana tan kale ayuu ku laabi doono, oo wuu baabi'in doono, wuxuuna dhihidoonaa: Anaa Boqora ee aawey Boqoradii Dhulku?!

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xadiiska waxaa ku sugan in la xasuusinayo dadka in Boqornimada Ilaahay baaqi ahaandoonto, Boqornimada Makhluuquna dhamaanayso.
  2. Waynida Ilaahay iyo waynida awoodiisa iyo saldanadisa iyo kaamilnimada Boqortooyadiisa.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (55)