+ -

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنْ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«لَمَّا خَلَقَ اللَّهُ الْجَنَّةَ وَالنَّارَ أَرْسَلَ جِبْرِيلَ عَلَيْهِ السَّلَامُ إِلَى الْجَنَّةِ، فَقَالَ: انْظُرْ إِلَيْهَا وَإِلَى مَا أَعْدَدْتُ لِأَهْلِهَا فِيهَا. فَنَظَرَ إِلَيْهَا فَرَجَعَ، فَقَالَ: وَعِزَّتِكَ لَا يَسْمَعُ بِهَا أَحَدٌ إِلَّا دَخَلَهَا. فَأَمَرَ بِهَا فَحُفَّتْ بِالْمَكَارِهِ، فَقَالَ: اذْهَبْ إِلَيْهَا فَانْظُرْ إِلَيْهَا وَإِلَى مَا أَعْدَدْتُ لِأَهْلِهَا فِيهَا. فَنَظَرَ إِلَيْهَا، فَإِذَا هِيَ قَدْ حُفَّتْ بِالْمَكَارِهِ، فَقَالَ: وَعِزَّتِكَ لَقَدْ خَشِيتُ أَنْ لَا يَدْخُلَهَا أَحَدٌ. قَالَ: اذْهَبْ فَانْظُرْ إِلَى النَّارِ وَإِلَى مَا أَعْدَدْتُ لِأَهْلِهَا فِيهَا. فَنَظَرَ إِلَيْهَا فَإِذَا هِيَ يَرْكَبُ بَعْضُهَا بَعْضًا، فَرَجَعَ فَقَالَ: وَعِزَّتِكَ لَا يَدْخُلُهَا أَحَدٌ. فَأَمَرَ بِهَا فَحُفَّتْ بِالشَّهَوَاتِ، فَقَالَ: ارْجِعْ فَانْظُرْ إِلَيْهَا. فَنَظَرَ إِلَيْهَا فَإِذَا هِيَ قَدْ حُفَّتْ بِالشَّهَوَاتِ، فَرَجَعَ وَقَالَ: وَعِزَّتِكَ لَقَدْ خَشِيتُ أَنْ لَا يَنْجُوَ مِنْهَا أَحَدٌ إِلَّا دَخَلَهَا».

[حسن] - [رواه أبو داود والترمذي والنسائي]
المزيــد ...

Abuu Hureyra Allaha ha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu Rasuulka Alle naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee ka wariyey inuu yidhi:
Markuu Alle Abuuray janada iyo naarta wuxuu u direy janada malakul jibriil nabadi korkiisa ha ahaatee, wuxuuna ku yidhi: soo eeg janada iyo waxaan ugu diyaariyey ehelkeeda, wuu soo eegay oo soo noqday wuxuuna yidhi cisadaada ayaan ku dhaartee qofkii maqlaa wuu galin, ilaahay wuxuu amray in lagu wareejiyo waxa naftu neceb tahay, wuxuuna ku yidhi aad oo soo eeg janada iyo waxaan ugu diyaariyey ehelkeeda wuu soo eegay, wuxuuna arkay iyadoo lagu wareejiyey waxa naftu neceb tahay, wuu soo noqday wuxuuna yidhi: cisadaada ayaan ku dhaartee waxaan ka baqayaa inaan qofna galin, ilaahay wuxuu ku yidhi aad naarta oo soo eeg iyada iyo waxaan ugu diyaariyey ehelkeeda wuu aaday wuxuuna arkay iyadoo isa saar saaran, wuu soo laabtay wuxuuna yidhi: cisadaada ayaan ku dhaartee cidina galimayso, ilaahay wuxuu faray in lagu wareejiyo waxa naftu jeceshahay, wuxuuna yidhi ku noqo oo soo eeg, wuuna ku laabtey oo soo eegey mise waaba iyadoo lagu wareejiyey waxa naftu jeceshahay, wuuna soo laabtey oo yidhi: cisadaada ayaan ku dhaartee waxaan ka baqayaa inuu qofna ka bad baadi waayo.

Xadiis Xasan ah. - Waxa wariyay Abuu Daa'uud.

Sharaxaad

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay in Ilaahay markuu abuuray janada iyo naarta, uu ku yiri: malakul Jibriil nabad gelyo Allah siiye: janada aad oo soo eeg, wuuna aaday oo soo arkay kanasoo laabtay. Jibriil wuxuu yiri: Rabbiyow, cisadaada ayaan ku dhaartaye qofkii maqla janada iyo waxa dhexyaal oo nicmo iyo karam iyo khayr ah wuxuu jeclaanayaa inuu galo oo iyada u shaqaysto. Ka dib Ilaahay wuxuu ku wareejiyey janada wax yaabaha naftu neceb tahay iyo waxyaabo ay adag tahay in la sameeyo oo ah wax la is faray iyo wax la iska reebay, qofkii raba inuu janada galao waa inuu ka gudbo wax yaabahaas naftu neceb tahay. ka dib Ilaahay casa wajala wuxuu yiri: Jibriilow Janada aad oo soo eeg, waa markii uu ku wareejiyey Janada waxa naftu neceb tahay ka dib. Jibriil wuu aaday Janada oo soo eegay, ka dib wuu yimid wuxuuna yiri: Rabbiyow cisadaadaan ku dhaartaye waxaan ka cabsan inuu qofna gali waayo waxa ka sokeeya ee adayg iyo dhib ah darteed. Ilaahay markuu abuuray naarta wuxuu yiri: Jibriilow: soco oo soo eeg naarta, markaasuu aaday oo soo eegay naarta. Jibriil wuxuu yiri: Rabbiyow, cisadaadaan ku dhaartaye qofkii maqla waxa dhex yaala naarta ee cadaab, kurbo iyo dhibaato ah, wuu nacaya inuu galo wuuna isaga fogaanayaa sababta lagu galo naarta. ka dib Ilaahay wuxuu ku wareejiyey naarta oo jidkeeda dhigay waxa naftu jeceshahay iyo macmacaan, ka dibna Ilaahay Jibriila wuxuu ku yiri: Jibriiloow, soco oo soo eeg-naarta. Jibriil wuu aaday naarta oo soo eegay, ka dib wuu ka yimid wuxuuna yiri: Rabbiyow cisadaadaan ku dhaartaye waxaan ka baqay inuu qofba ka bad-baadi waayo waxa lagu gadaamay ee macmacaana awgeed.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Luqadda turkiga. Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda fiitnaam Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. qofku inuu rumeeyo in janada iyo naartu haatan joogaan .
  2. Waxaa waajib ah in la rumeeyo qeybka iyo wax kasta oo ka yimid xagga Ilaahay iyo Rasuulkiisa naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate.
  3. Muhimada uu leeyahay in lagu sabro waxa naftu neceb tahay, waayo waa jidka lagu gaaro janada.
  4. Muhimada ay leedahay xaaraanta oo laga fogaado, waayo waa jidka naarta lagu gaaro.
  5. Ilaahay wuxuu ku wareejiyey janada waxa naftu neceb tahay, naartana waxa naftu jeceshahay, taasina waa mid uu kuu kenayo itaxaanka nolosha adduunyadu.
  6. Jidka janadu wuu adag yahay wuuna dhib badan yahay, wuxuuna u baahan yahay sabar iyo in iimaanka loo dhabar adaygo, jidka naartuna waxaa ka buuxa macaanka aduunka iyo waxay naftu rabto.