عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الخُدْرِيِّ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«يُؤْتَى بِالْمَوْتِ كَهَيْئَةِ كَبْشٍ أَمْلَحَ، فَيُنَادِي مُنَادٍ: يَا أَهْلَ الجَنَّةِ، فَيَشْرَئِبُّونَ وَيَنْظُرُونَ، فَيَقُولُ: هَلْ تَعْرِفُونَ هَذَا؟ فَيَقُولُونَ: نَعَمْ، هَذَا المَوْتُ، وَكُلُّهُمْ قَدْ رَآهُ، ثُمَّ يُنَادِي: يَا أَهْلَ النَّارِ، فَيَشْرَئِبُّونَ وَيَنْظُرُونَ، فَيَقُولُ: وهَلْ تَعْرِفُونَ هَذَا؟ فَيَقُولُونَ: نَعَمْ، هَذَا المَوْتُ، وَكُلُّهُمْ قَدْ رَآهُ، فَيُذْبَحُ ثُمَّ يَقُولُ: يَا أَهْلَ الجَنَّةِ خُلُودٌ فَلاَ مَوْتَ، وَيَا أَهْلَ النَّارِ خُلُودٌ فَلاَ مَوْتَ، ثُمَّ قَرَأَ: {وَأَنْذِرْهُمْ يَوْمَ الحَسْرَةِ إِذْ قُضِيَ الأَمْرُ وَهُمْ فِي غَفْلَةٍ} [مريم: 39]، وَهَؤُلاَءِ فِي غَفْلَةٍ أَهْلُ الدُّنْيَا {وَهُمْ لاَ يُؤْمِنُونَ} [مريم: 39]».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 4730]
المزيــد ...
Abii Saciid Alkhudri Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
Waxaa la keenidoonaa dhimashadii oo u eg Wan Galaalan, mid dhawaaqa ayaa ku dhawaaqin: dadka Janadow, kor ayey u soo istaagin oo soo fiirin wuxuu oran: ma garanaysaan kan? waxay oran: haa, waa dhimashadii, wayna soo wada arkeen, hadana wuu dhawaaqin, kuwa Naarta ku suganow, kor ayey u soo istaagin waana soo eegayaan, wuxuu ku oran: ma garanaysaan kan? waxay oran: haa, waa dhimashadii, wayna soo wada arkeen, markaasaa la gawricin, ka dib wuxuu oran: kuwiina Janada ku suganow waa waarid oo dhimasho ma jirto, kuwiina Naarta ku suganow waa waarid oo dhimasho ma jirto, mar kaasuu akhriyin Ayada: {Nabiyow uga dig Maalinta shalaytada iyadoo la go'aamiyey arinkooda iyagoo qaflad ku sugan} [surada maryam:39], kuwaas qaflada ku sugani waa kuwa Aduunka jooga { iyagu Ilaahay ma ay rumayn} [maryam:39].
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 4730]
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in dhimashada la keenidoono Maalinta Qiyaamaha isagoo u eg Idaha labkooda oo leh Midab Cadaan iyo Mdaw ah . Waa loo dhawaaqin: kuwiina Janada ku suganow! waxay soo taagayaan luqunta iyo madaxa waana soo fiirinayaan. wuxuu iyaga ku oran: ma garanaysaan kan? Waxay oran: haa, kani waa dhimashadii, waana soo wada arkeen oo garteen. Ka dib waxaa dhawaaqin kii dhawaaqayey: kuwiina Naarta ku suganow, xagiisa ayey luquntooda u soo taagin iyagoo madaxyadooda kor u qaadaya soona fiirinaya, Wuxuu ku oran: ma taqaanaan kan? Waxay oran: haa, kani dhimashadii wayna wada arkeen. Waa la gowracin, ka dib kii dhawaqaayey wuxuu oran: kuwiina Janada ku suganow waligiin iyo abidkiin waad ku jireysaan oo dhimasho ma jirto, kuwiina Naarta ku suganow waligiin iyo abidkiin waad ku jireysaan oo dhimasho ma jirto. Taasina waa nicmo u siyaaday Muuminiinta, iyo Ciqaab u siyaaday Gaalada. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu akhriyey: {Nabiga Ilaahayow uga dig aaMlinta shalaytada, xili la go'aamiyey arinkooda iyagoo qaflad ku jira oo aan rumasnayn}. Maalinta Qiyaamaha waa la kala saarin dadka Janada gelaya iyo kuwa Naarta gelaya, mid kastana wuxuu gelayaa mida uu helay isagoo ku waaraayo. Wuxuu ka shalaynayaa oo ka qoomamaynayaa kii xumaanta falay inuusan wanaag samayn, kii ka gaabiyey khayrkana wuxuu ka shalaayin inuusan khayrka badsan.