عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال:
«حُجِبَتِ النَّارُ بِالشَّهَوَاتِ، وَحُجِبَتِ الْجَنَّةُ بِالْمَكَارِهِ».
[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 6487]
المزيــد ...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee inuu yiri:
"Naarta waxaa lagu wareejiyey shahawaat, Janadana waxaa lagu wareejiyey wax naftu kahanayso".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 6487]
Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Naarta lagu hareereeyey waxyaabaha naftu jeceshahay ee xaaraanta ah iyo waajibaadka oo laga gaabiyo. Qofka Naftiisa raacsiiya hawadeeda wuxuu ku helayaa Naarta. Janada waxaa lagu wareejiyey waxyaabaha naftu dhibsato, sida joogtaynta wixii Ilaahay amray, iyo ka tagida xaaraanta iyo arinkaas oo lagu sabro, haduu Qofku Naftiisa ku jihaado wuxuu ku helayaa Janada.