عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ وَعَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنهما عَنِ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم قَالَ:
«مَا يُصِيبُ الْمُسْلِمَ مِنْ نَصَبٍ وَلَا وَصَبٍ وَلَا هَمٍّ وَلَا حُزْنٍ وَلَا أَذًى وَلَا غَمٍّ حَتَّى الشَّوْكَةِ يُشَاكُهَا إِلَّا كَفَّرَ اللهُ بِهَا مِنْ خَطَايَاهُ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 5641]
المزيــد ...

Abii Saciid Alkhudriyi iyo Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri:
" Wixii ku dhaca Muslimka ee ah Rafaad ,Daal, Hami, Murug, Uur ku taalo iyo Dhibaato, xataa Qodaxda mudaysa, Ilaahay danbigiisuu ugu dhaafaa".

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 5641]

Sharraxaad

Wuxuu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee cadeeyey waxa soo gaaraya Muslimka ee Jiro, Murugo, Walba haar iyo Dhibaatooyin kale ah sida: Cabsida, Gaajada, xataa Qodaxda mudaysa ee xanuujisa, waxaasoo dhan kafaara gud ayey u noqonayaan, Ilaahayna dambiyadiisuu kaga dhaafayaa.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xadiiska waxaa ku sugan cadaynta fadliga Ilaahay siiyey Adoomadiisa Muuminiinta ah iyo siduu ugu naxariistay uguna danbi dhaafay dhibka ugu yar ee soo gaaray.
  2. Waxaa ku haboon Muuminku inuu Ilaahay kaga ajar dalbo wixii dhib ah ee ku dhaca kuna sabro wixii yar ama weyn ee ku dhaca si ay ugu noqoto mid darajadiisa kor u qaada danbigana looga dhaafo.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (56)