عَنْ طَلْحَةَ بْنِ عُبَيْدِ اللهِ رضي الله عنه قَالَ:
جَاءَ رَجُلٌ إِلَى رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مِنْ أَهْلِ نَجْدٍ ثَائِرُ الرَّأْسِ، نَسْمَعُ دَوِيَّ صَوْتِهِ، وَلَا نَفْقَهُ مَا يَقُولُ حَتَّى دَنَا مِنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَإِذَا هُوَ يَسْأَلُ عَنِ الْإِسْلَامِ، فَقَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «خَمْسُ صَلَوَاتٍ فِي الْيَوْمِ وَاللَّيْلَةِ» فَقَالَ: هَلْ عَلَيَّ غَيْرُهُنَّ؟ قَالَ: «لَا، إِلَّا أَنْ تَطَّوَّعَ، وَصِيَامُ شَهْرِ رَمَضَانَ»، فَقَالَ: هَلْ عَلَيَّ غَيْرُهُ؟ فَقَالَ: «لَا، إِلَّا أَنْ تَطَّوَّعَ»، وَذَكَرَ لَهُ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ الزَّكَاةَ، فَقَالَ: هَلْ عَلَيَّ غَيْرُهَا؟ قَالَ: «لَا، إِلَّا أَنْ تَطَّوَّعَ»، قَالَ: فَأَدْبَرَ الرَّجُلُ، وَهُوَ يَقُولُ: وَاللهِ، لَا أَزِيدُ عَلَى هَذَا، وَلَا أَنْقُصُ مِنْهُ، فَقَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «أَفْلَحَ إِنْ صَدَقَ».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح مسلم: 11]
المزيــد ...
Dalxa Binu Cubaydu Allaahi Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee nin reer Najdi ah ayaa u yimid oo Madax basaasan, oo aan maqlaynay Codkiisa weyn, oo aanan fahmayn wuxuu sheegaayo ilaa uu u soo dhawaaday Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, waaba isagoo Islaamka wax ka waydiinaya, wuxuu yiri Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: "Salaado Shan ah Maalintii iyo Habeenkii" wuxuu yiri: waxaan iyaga ahayn miyaa igu waajiba? wuxuu ku yiri: "maya, adigoo Suno tukada maahee, iyo Soonka Bisha Ramadaan", wuxuu yiri: Soon kale ma la igu leeyahay? wuxuu ku yiri: "maya, adigo Suno Sooma maahee, wuxuuna u sheegay Rasuulku Sakada, wuxuu yiri wax kale-oo Sako ah- ma la igu leeyahay? wuxuu ugu Jawaabay: "maya, adigo Sadaqada badsada maahee", wuxuu yiri -Dalxa-: ninkii waa islaabay oo dhaqaaqay, isagoo dhahaya: Ilaahay ayaan ku dhaartee intaa waxna ku darimaayo waxna ka dhimi maayo, Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa yiri: "wuu liibaanay haduu ka run sheego".
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix Muslim - 11]
Nin reer Najdi ah ayaa u yimid Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ninkaasoo Timo basaasan lahaa, Codkiisuna aad u dheeraa, wuxuu sheegayana aan la fahmayn ilaa uu Rasuulka u soo dhawaaday, wuxuuna wax ka waydiiyey arkaanta Islaamka?.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku bilaabay Salaada, wuxuuna u sheegay in Ilaahay ku farad yeelay Habeenkii iyo Maalintii Shan Salaadood.
Wuxuu yiri: ma igu waajibaa Salaado kale oo aanSshantaa ahayn?
Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: maya inaad Salaadaha Sunada ah tukato maahee.
Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu ku yiri: waxaa Ilaahay kugu waajibiyey Soonka Bisha Ramadaan.
Ninkii wuxuu yiri: soon kale oo aan intaa ahayn miyaa igu waajiba?
wuxuu yiri: maya, inaad Soon Suno ah Soontid maahee.
Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka dib wuxuu sheegay Sakada.
Ninkii wuxuu yiri: ma sadaqo kale ayaa igu waajib ah oo aan Sakada faradka ah ahayn?
wuxuu yiri: maya, inaad Sadaqaysato maahee.
Ninkii markuu ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax yaabahaas faradka ah wuu jeensaday wuuna dhaqaaqay, wuxuuna Ilaahay ugu dhaartay inuu intaa laasimi doono isagoon wax ku darin waxna ka dhimin, Rasuulka ayaa yiri intaa ka dib: haduu ka run sheego wuxuu ku dhaartay wuxuu ka mid ahaanayaa kuwa liibaanay.