+ -

عَنْ عَبْدِ اللهِ بْنِ عَمْرِو بْنِ العَاصِ رضي الله عنهما قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«إِنَّ اللهَ سَيُخَلِّصُ رَجُلًا مِنْ أُمَّتِي عَلَى رُءُوسِ الْخَلَائِقِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ، فَيَنْشُرُ عَلَيْهِ تِسْعَةً وَتِسْعِينَ سِجِلًّا، كُلُّ سِجِلٍّ مِثْلُ مَدِّ الْبَصَرِ، ثُمَّ يَقُولُ: أَتُنْكِرُ مِنْ هَذَا شَيْئًا؟ أَظَلَمَكَ كَتَبَتِي الْحَافِظُونَ؟ فَيَقُولُ: لَا يَا رَبِّ، فَيَقُولُ: أَفَلَكَ عُذْرٌ؟ فَيَقُولُ: لَا يَا رَبِّ، فَيَقُولُ: بَلَى إِنَّ لَكَ عِنْدَنَا حَسَنَةً، فَإِنَّهُ لَا ظُلْمَ عَلَيْكَ الْيَوْمَ، فَتُخْرَجُ بِطَاقَةٌ فِيهَا: أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَأَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ، فَيَقُولُ: احْضُرْ وَزْنَكَ، فَيَقُولُ: يَا رَبِّ مَا هَذِهِ الْبِطَاقَةُ مَعَ هَذِهِ السِّجِلَّاتِ؟ فَقَالَ: إِنَّكَ لَا تُظْلَمُ، قَالَ: فَتُوضَعُ السِّجِلَّاتُ فِي كِفَّةٍ، وَالْبِطَاقَةُ فِي كِفَّةٍ، فَطَاشَتِ السِّجِلَّاتُ، وَثَقُلَتِ الْبِطَاقَةُ، فَلَا يَثْقُلُ مَعَ اسْمِ اللهِ شَيْءٌ».

[صحيح] - [رواه الترمذي وابن ماجه]
المزيــد ...

Cabdillaahi Binu Camar Binu caas-Allaha ka raalli noqdo isaga iyo aabihiiba ee waxaa laga wariyey inuu yidhi: wuxuu yidhi Rasuulka Alle naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate:
Nin ummaddayda ka mida ayaa ilaahey ka soo dhex saarin khalqiga oo dhan maalinta qiyaame, waxaana loo furin sagaal iyo sagaashan diiwaan oo mid walba le'eg yahay halkuu aragu gaadho, ka dib wuxuu dhihin ma wax aad inkirsan tahay oo malaa'igtayda wax qora ee xafadada ahi kugu dulmiyeen ayaa jira wuxuu dhihin: Rabiyow maya, waxaa lagu dhihin: cudur daar aad ku badbaaddo mahelin, wuxuu dhihin: Rabiyow maya, wuxuu Alle ku dhihin: bale waxaan kuu haynaa xasano, maanta lagu dulminmaayo, waxaa loo soo saarin kaar ay ku qoran tahay: Ashhadu an llaa Ilaaha illallaahu wa Ashhadu ana muxammadan cabduhu wa rasuuluhu, wuxuu dhihin Alle: keen miisaankaaga: ninkii wuxuu dhihin: Rabiyow muxuu ka tarin miisaanka kaarkani waxa ku qoran diiwaanadaan illahay ayaa ku dhihin: lagu dulminmaayo, wuxuu yidhi: kafad ayaa la saarin diiwanadii, kaarkiina kafada kale, waxaa bidaya diiwaanadii, kaarkiina culays ayuu noqonayaa, shayna magaca Alle kama cuslaado.

Xadiis Saxiix ah. - Waxaa wariyay At-tirmidi

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay in nin ummaddiisa ka mida Ilaahey ka dooran doono khalqiga oo dhan maalinta qiyaamaha, waa loo yeerin si loo xisaabiyo, waxaa la soo hor dhigin sagaal iyo sagaashan diiwaan kuwaas lagu qoray camalkiisi xumaa ee uu ku sameeyey aduunka, mid walbna dhererkiisu yahay inta araggu gaadho. Ilaahay casa wajala ninkaa wuxuu ku oran: waxa diiwaanadaas ku qoran miyaad wax ka diiddan tahay? miyey ku dulmeen malaa'igtayda xafadada ah ee wax qora? Ninkii wuxuu oran: maya Rabbiyow. Ilaahay casa wajala wuxuu oran: camalkii aad aduunka ku samaysay ma u helaysaa wax cudur daar ah oo laguugu garaabi karo in ficilku kaaga dhacay si sahwi ah ama si gaf ah ama aqoon dari. Ninkii wuxuu oran: maya Rabbiyow, ma haysto wax cudur daar ah. Ilaahay casa wajala wuxuu oran: bale, waxaan kuu haynaa xasano, maanta lagu dulminmaayo. wuxuu yidhi: waxaa la soo saarin kaar ay ku qoran tahay: Ashhadu an llaa Ilaaha illallaah, wa ashhadu ana muxamadan cabduhu wa rasuuluhu. Ilaahey wuxuu ku dhihin ninkii: keen miisaankaaga. Ninku wuxuu oran isagoo yaabban: Rabbiyow!, kaarkani muxuu ka tarayaa miisaanka diiwaanadaan?! Ilaahay casa wajala wuxu ku oran ninkii: lagu dulminaayo. wuxuu yidhi: waxaa kafad la saarin diiwaanadii kafada kalena waxaa la saarin kaarka, kafadii diiwaanada la saaray ayaa fudayd noqon, waxaana cuslaanaya kafaddii kaarku saarnaa, markaasaa Ilaahay u danbi dhaafay.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Luqadda turkiga. Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda fiitnaam Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Erayga tawxiidka waynidiisa: Ash'hadu an llaa Ilaaha illallaah, iyo inay culaysinayso miisaanka.
  2. Kuma filna in carabka oo qura laga yiraahdo: laa Ilaaha Illaa Allaah, ee waa in qofku cilmi u leeyahay macnaheeda kuna camal falaa waxay farayso.
  3. Ikhlaaska iyo tawxiidka xooga leh waxay sabab u yihiin in qofka loo danbi dhaafo.
  4. Iimaanku wuxuu ku kala fadilan yahay hadba inta qofka qalbigiisa ku jirta ee ikhlaas ah, dadka qaar ayaa oran Erayga tawxiidka laakiin waxaa laga yaabaa in lagu cadaabo inta danbigiisu le`eg yahay.