+ -

عَنْ أَبِي ذَرٍّ رضي الله عنه قَالَ:
قُلْتُ: يَا رَسُولَ اللهِ مَا آنِيَةُ الْحَوْضِ؟ قَالَ: «وَالَّذِي نَفْسُ مُحَمَّدٍ بِيَدِهِ لَآنِيَتُهُ أَكْثَرُ مِنْ عَدَدِ نُجُومِ السَّمَاءِ وَكَوَاكِبِهَا، أَلَا فِي اللَّيْلَةِ الْمُظْلِمَةِ الْمُصْحِيَةِ، آنِيَةُ الْجَنَّةِ مَنْ شَرِبَ مِنْهَا لَمْ يَظْمَأْ آخِرَ مَا عَلَيْهِ، يَشْخَبُ فِيهِ مِيزَابَانِ مِنَ الْجَنَّةِ، مَنْ شَرِبَ مِنْهُ لَمْ يَظْمَأْ، عَرْضُهُ مِثْلُ طُولِهِ، مَا بَيْنَ عَمَّانَ إِلَى أَيْلَةَ، مَاؤُهُ أَشَدُّ بَيَاضًا مِنَ اللَّبَنِ، وَأَحْلَى مِنَ الْعَسَلِ».

[صحيح] - [رواه مسلم]
المزيــد ...

Abii Dar Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey inuu yiri:
Waxaan iri: Rasuulka Alloow, waa maxay weelasha xawdku ? wuxuu yiri: ( waxaan ku dhaartay kan nafta Maxamad gacantiisa ku jirtee, weelashiisu way ka badan yihiin xidigaha cirka iyo meerayaasha, hooy habeenka mugdiga ah ee cirka wax ku daboolani aysan jirin, weelasha janada qofka ku cabba waligii ma haraadayo, waana haraadkii ugu dambeeyey, waxaa ku guuxa iyo ku soo hoobadka biyaha xowdka soo maraan laba majaroor oo janada ku soo shubmaan, qofka ka cabba ma haraado, balaciisu waa inta dhererkiisu le'eg yahay, oo ah masaafada u dhaxaysa Cammaan iyo Ayla biyihiisu ka caddaan badan caanaha, kana macaan badan malabka.

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu ku dhaartay inay weelasha xawdkiisu maalinta qiyaamaha ka tiro badan yihiin xidigaha iyo meerayaasha samada. Arinkaasina wuxuu muuqanayaa habeenka gudcurka ee dayax uusan jirin; waayo habeenka dayaxu jiro xidiguhu aad uma muuqanayaan iyadoo iftiinka dayaxu qarinayo, waa habeenka aanay daruuro jirin, waayo daruuruhu waxay qarinayaan aragtida xidigaha. Weelasha janada, qofka ku caba cabitaanka ku jira ma haraadayo waligi, wuxuuna ahaanayaa haraadkaa uu u cabay haraadkii ugu dambeeye ee uu haraado. Xawdka Nabiga waxaa ku soo shubmaya labo majaroor oo janada ka imaanaya, xawdkaas balaciisa iyo dhererkiisu waa isku mid. Xowdka way is le'eg yihiin cirifyadiisu, dhererkiisa iyo balaadhkiisu waa inta u dhexeysa Cammaan oo ah tuulo ku taal Balqa'a kana tursan Shaam, ilaa Ayla oo ah magaalo caan ah oo ku taalo Shaam geesteeda. Biyaha xowdku way ka cad yihiin caanaha, wayna ka macaan yihiin dhadhanka malabka.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Luqadda turkiga. Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda fiitnaam Luqadda hawsaha Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Sugnaanta xowdka iyo nicmooyinka kala duwan ee dhexyaal.
  2. Xowdka waynidiisa, dhererkiisa, ballaciisa iyo tiro badnida weelashiisa.