+ -

عَنْ أَسْمَاءَ بِنْتِ أَبِي بَكْرٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، قَالَتْ: قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«إِنِّي عَلَى الحَوْضِ حَتَّى أَنْظُرَ مَنْ يَرِدُ عَلَيَّ مِنْكُمْ، وَسَيُؤْخَذُ نَاسٌ دُونِي، فَأَقُولُ: يَا رَبِّ مِنِّي وَمِنْ أُمَّتِي، فَيُقَالُ: هَلْ شَعَرْتَ مَا عَمِلُوا بَعْدَكَ، وَاللَّهِ مَا بَرِحُوا يَرْجِعُونَ عَلَى أَعْقَابِهِمْ».

[صحيح] - [متفق عليه]
المزيــد ...

Asma Bintu Abiibakar Allaha ka raali ahaado iyada iyo aabeheede waxaa laga wariyey inay tiri: Nabigu scw wuxuu yiri:
Xawdka anigo jooga oo eegaya cid idinka mida ee ii soo arooraysa, ayaa dad la iga celin doonaa, waxaanan ku oran: Rabiyow anigay iga mid yihiin oo ummadayday ka mid yihiin, waxaa la igu oran: ma og tahay waxay sameeyeen gadaashaa, walaahi kama ay raagin inay dib ugu noqdeen gadaashooda oo diintii ka tageen.

Xadiis Saxiix ah. - Xadiis la isku waafaqay

Sharaxaad

Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu cadeeyey inuu maalinta qiyaamaha uu joogidoono xawdkiisa isagoo eegaya cidda ummaddiisa ah ee ku soo arooraysa xawdka. Dad ayaa laga kaxaysan Nabiga scw agtiisa wuxuuna orandoonaa Nabigu: Rabiyow, anigay iga mid yihiin oo ummaddayday ka mid yihiin. Waxaa lagu dhihin: ma og tahay waxay sameeyeen markaad ka tagtay, walaahi kama ay suulin inay dib ugu laabteen gadaashooda oo ay ka noqdaan diintoodii, kaa mid maaha, ummaddaadana ka mid maaha.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Luqadda turkiga. Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda fiitnaam Luqadda hawsaha Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu u naxariistay ummaddiisa uuna u dadaalay.
  2. khatarta ay leedahay in la khilaafo sunada Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate.
  3. Ku boorinta in la qabsado sunada Nabiga naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate.