+ -

عن جَرِيْر بنِ عبدِ الله رضي الله عنه قال:
كُنَّا عِنْدَ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَنَظَرَ إِلَى الْقَمَرِ لَيْلَةً -يَعْنِي الْبَدْرَ- فَقَالَ: «إِنَّكُمْ سَتَرَوْنَ رَبَّكُمْ كَمَا تَرَوْنَ هَذَا الْقَمَرَ، لَا تُضَامُونَ فِي رُؤْيَتِهِ، فَإِنِ اسْتَطَعْتُمْ أَنْ لَا تُغْلَبُوا عَلَى صَلَاةٍ قَبْلَ طُلُوعِ الشَّمْسِ وَقَبْلَ غُرُوبِهَا فَافْعَلُوا» ثُمَّ قَرَأَ: «{وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ قَبْلَ طُلُوعِ الشَّمْسِ وَقَبْلَ الْغُرُوبِ}»

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 554]
المزيــد ...

Jariir Binu Cabdullaahi-Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo la jooga ayuu fiiriyey dayaxa-habeen uu ahaa 14, wuxuuna yiri: " waxaad u arki doontaan Rabigiin sidaad dayaxan aad u arkaysaan, idinkoon isku ciriiryeyn aragtida Ilaahay, hadaad awoodaan inaad ilaalisaan Salaada inta Qoraxda aanay soo bixin iyo inta aanay dhicin sameeya" ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu akhriyey Aayadan Qur'aanka ah: {ku tasbiixso xamdiga Rabigaa intaan Qoraxdu soo bixin iyo inta aanay dhicin}.

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 554]

Sharraxaad

Saxaabadu habeen ayey la joogeen Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu eegay Dayaxa oo ahaa Habeenka 14aad- wuxuuna yiri: Muuminiintu Rabigood waxay ku arkidoonaan Indhahooda si dhab ah, isagoon cidna shabihin, dadkuna iskuma ciriiryayaan aragtidiisa, kuna dhicimaayo daal iyo mashaqo midna marka ay Ilaahay arkayaan. Ka dibna Rasuulku Ilaahay wuxuu yiri: Hadaad kartaan inaad iska joojisaan asbaabta idin dhaafinaysa Salaada fajarka iyo Salaada Casarka sameeya, oo la imaada labadaas Salaadood waqtigoda iyagoo kaamila oo jamaaco aad la tukateen, arintaasi waxay ka mid tahay asbaabta keenta in Ilaahay casa wajala wajigiisa la arko. Ka dib wuxuu akhriyey Suubanuhu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Aayadaan: {Ku tasbiixso Xamdiga Rabigaa Qooraxdu inta aanay soobixin iyo inta aanay dhicin}.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Dadka iimaanka leh waxaa loogu bishaaraynayaa inay Ilaahay ku arkidoonaan Janada.
  2. Qaababka loo gudbiyo Dacwada Ilaahay waxaa ka mida: adkaynta, jeclaysiinta iyo in tusaale la soo gaato.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Oromo Luqadda kinaadiga الولوف Adrabijaan Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.