عن أنس بن مالك رضي الله عنه:
أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ لَا يَرُدُّ الطِّيبَ.

[صحيح] - [رواه البخاري] - [صحيح البخاري: 2582]
المزيــد ...

Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey:
Nabigu scw inuusan diidi jirin catarka.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Albukhaari] - [Saxiix AlBukhaari - 2582]

Sharraxaad

Dhaqanka Nabiga scw waxaa ka mid ahaa in aanu diidin catarka oo aqbali jiray, waayo waa khafiif la qaadan karo oo udgoon.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa sune in la aqbalo siinta catarka, waayo culays malaha qaadistiisu dhibna malaha aqbalkiisu.
  2. Akhlaaq wanaaga kaamilka ah ee Nabiga scw waxaa ka mida inuusan diidin catarka, oo uu ka aqbalo hadiyada qofka u keena.
  3. Waxaa la is jeclaysiinayaa in catarka la isticmaalo.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (63)