+ -

عَنْ جَابِرِ بْنِ عَبْدِ اللهِ رضي الله عنهما أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«اتَّقُوا الظُّلْمَ، فَإِنَّ الظُّلْمَ ظُلُمَاتٌ يَوْمَ الْقِيَامَةِ، وَاتَّقُوا الشُّحَّ، فَإِنَّ الشُّحَّ أَهْلَكَ مَنْ كَانَ قَبْلَكُمْ، حَمَلَهُمْ عَلَى أَنْ سَفَكُوا دِمَاءَهُمْ وَاسْتَحَلُّوا مَحَارِمَهُمْ».

[صحيح] - [رواه مسلم]
المزيــد ...

Jaabir Binu Cabullaahi-Allaha ka raalli ahaadee-wuxuu ka wariyey Rasuulka-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- inuu yiri:
"Ka cabsada dulmiga, waayo dulmigu wuxuu qofka galinayaa mugdiyada maalinta qiyaame, ka cabsada bukhliga, waayo bukhligu wuxuu halaagay kuwii idinka horeeyey, wuxuuna gaarsiisay inay dhiigooda daadiyaan oo wixii Ilaahay ka xarimay xalaashadaan."

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Muslim.

Sharaxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka digay dulmiga, dulmiga waxaa ka mida: dadka oo la dulmiyo, nafta oo la dulmiyo, Ilaahay xaqiisa oo la dulmiyo, Dulmigu waa in laga tago in la siiyo mid walba oo xaq leh xaqiisa, dulmigu waa mugdiyo ay galayaan dadka sameeya dulmiga maalinta qiyaame, iyagoo la kulmidoona dhibaato adag iyo halaag. Waxa kale oo uu reebey Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa aha ahaatee- bukhliga oo ah bakhaylnimada teeda ugu xun iyo ku dadaalideeda, waxaana ka mida ka gaabinta xuquuqda maalka saaran oo qofku ku bakhaylo iyo inuu aad ugu dadaalo aduunyo raadin. Dulmiga nuucaas ahi wuxuu halaagay ummaddihii inaga horeeyey, wuxuuna gaarsiiyey inay is laayaan oo ay xalaashadaan wixii Ilaahay ka xarimayn.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda sawaaxiliga Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda dariya
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Maalka oo la huro iyo walaalaha oo la wanaajiyo waa sababaha dadka is jacaylsiiya xiriirkana wanaajiya.
  2. Xoolo jacaylka iyo bukhligu waxay qofka u soo jiidaan macsida, fuxshiga, iyo dambiga.
  3. Waa in lagu cibro qaato xaalka ummaddihii hore.