عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«أَكْمَلُ الْمُؤْمِنِينَ إِيمَانًا أَحْسَنُهُمْ خُلُقًا، وَخَيْرُكُمْ خَيْرُكُمْ لِنِسَائِهِمْ».

[حسن] - [رواه أبو داود والترمذي وأحمد] - [سنن الترمذي: 1162]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Muuminiinta waxaa ugu iimaan sareeya kan ugu akhlaaqda wanaagsan, waxaana idiinku khayr badan kuwa Dumarkooda u khayroon".

[Xadiis Xasan ah] - [Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Iyo Axmed] - [Sunan At-tirmidi - 1162]

Sharraxa

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka dadka ugu iimaan badan uu yahay kan akhlaaqdiisu fiican tahay, taasoo ah waji furnaanta, wanaag samaynta, hadal wanaaga, iyo dhibka oo uu iska daayo.
Muuminiinta waxaa ugu khayr badan kuwa Dumarkooda u khayr roon, sida Gaaskiisa, gabdhihiisa, Walaalihiis iyo Dumarka Qaraabadiisa ah, waayo kuwaasaa u xaq leh akhlaaq wanaagiisa.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Waa fadliga akhlaaqda wanaagsan iyo inay ka mid tahay iimaanka.
  2. Camalku iimaan kuu ka mid yahay, iimaankuna wuu kordhaa wuuna yaraada.
  3. Islaamku wuu maamuusay Dumarka wuxuuna ku booriyey in loo ixsaan falo.
Bandhigga Tarjamooyinka
Luuqadda: الإنجليزية الأوردية الإسبانية Siyaadin (64)