عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«مَنْ أَنْظَرَ مُعْسِرًا، أَوْ وَضَعَ لَهُ، أَظَلَّهُ اللهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ تَحْتَ ظِلِّ عَرْشِهِ يَوْمَ لَا ظِلَّ إِلَّا ظِلُّهُ».

[صحيح] - [رواه الترمذي وأحمد] - [سنن الترمذي: 1306]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
Qofkii daynta ka suga Qofka Saboolka ah, ama ka dhaafa, Ilaahay wuxu hariyaa hooska Carshigiisa Maalinta Qiyaame ee harkiisa mooyee aan har kale jirin.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxaa wariyay At-tirmidi iyo Axmed] - [Sunan At-tirmidi - 1306]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofka u kaadiya kan daynta qaba ama ka cafiya daynta, waxaa lagu abaal mariyaa in Ilaahay hariyo hooska Carshigiisa Maalinta Qiyaame Maalintaaso Qoraxdu u soo dhawaanayso Adoomada Madaxooda oo kulaylkeedu aad u daran yahay. Maanlintaa Qofna ma helaayo hoos Qof Ilaahay hoos siiyo mooyee.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Fadliga iyo fududaynta Ilaahay siiyey Adoomadiisa waxay ka mid tahay asbaabta looga nabad gelaayo kadeedka Maalinta Qiyaamaha.
  2. Abaal marintu waxay noqotaa nooca camalka la qabtay.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (67)