عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«مَنْ صَامَ رَمَضَانَ إِيمَانًا وَاحْتِسَابًا غُفِرَ لَهُ مَا تَقَدَّمَ مِنْ ذَنْبِهِ»

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 38]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Qofka u sooma Ramadaanka iimaan ahaan iyo ajar doon ahaan waa loo dhaafaa dambigiisii hore".

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 38]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka sooma Bisha Ramadaan isagoo Ilaahay qirsan oo rumaysan waajibnimada Ramadaanka iyo ajarka iyo abaalka wayn ee Ilaahay u diyaariyey dadka sooman, Ilaahay dartina ula jeeda oo aysan ka ahayn is tustus iyo ha lagu maqlo, waa loo dhaafaa dambiyadiisii hore.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xadiiska waxaa ku sugan Ikhlaaska fadligiisa iyo muhimada uu u leeyahay Soonka Ramadaanka iyo Acmaasha kale ee Saalixa ah.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (67)
dheeraad/kordhin