+ -

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بن مسعودٍ رضي الله عنه قَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ:
«إِنَّ مِنْ شِرَارِ النَّاسِ مَنْ تُدْرِكُهُ السَّاعَةُ وَهُمْ أَحْيَاءٌ، وَمَنْ يَتَّخِذُ الْقُبُورَ مَسَاجِدَ».

[حسن] - [رواه أحمد]
المزيــد ...

Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- isagoo dhahaya:
"Dadka waxaa ugu shar badan kuwa ay saacadu ku dhacdo iyagoo nool, iyo kuwa qabuuraha ka dhigta masaajid".

Xadiis Xasan ah. - Waxa wariyay Axmed.

Sharaxaad

Nabigu wuxuu sheegay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- dadka ugu sharka badan, oo ah kuwa ay saacaddu ku dhacdo iyagoo nool, iyo kuwa qabuuraha ka dhigta masaajid, kuna tukada qabuuraha xageedana u tukada.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa xaaraan in xabaalaha masaajid laga dhigto, waayo arinkaasi wuxuu qofka gaar siinayaa shirki.
  2. Waa xaaraan in salaada qabuuraha lagu tukado xataa hadaan dhismo laga dhisin, waayo masaajid macnihiisu waa meesha lagu sujuudo yaanu dhisnaan bee.
  3. Qofka ka dhigta qabuurta dadka saalixiinta ah masaajid uu ku tukado wuxuu ka mid ahaanayaa dadka ugu sharka badan khalqiga, haba ahaado ujeedkiisu inuu Ilaahay ugu dhawaadee.