عَنِ ابْنِ مَسْعُودٍ رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ:
«سَتَكُونُ أَثَرَةٌ وَأُمُورٌ تُنْكِرُونَهَا» قَالُوا: يَا رَسُولَ اللَّهِ فَمَا تَأْمُرُنَا؟ قَالَ: «تُؤَدُّونَ الحَقَّ الَّذِي عَلَيْكُمْ، وَتَسْأَلُونَ اللَّهَ الَّذِي لَكُمْ».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 3603]
المزيــد ...
Cabdullaahi Binu Mascuud -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Waxaa imaan doona Naf jeclaysi iyo arimo aad diidi doontaan" waxay dheheen: Rasuulka Ilaahayow, maxaad nafariysaa? wuxuu yiri: "iska bixiya xaqa la idinku leeyahay, xaqiinana Ilaahay waydiista."
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 3603]
Nabigu -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay inay Muslimiinta talada u qaban doonaan Madax qaadan doona maalka Muslimiinta iyo Aduunyada kaleba, oo waxay doonaan ku sameynaaya Muslimiintana u diidaya xaqa ay ku leeyihiin. Madaxdaas waxaa laga arki doonaa arimo aad Diinta waafaqsanayn oo la diido. Asaxaabtu waxay waydiiyeen Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: waxa ay sameynayaan xaaladaas?. Nabigu -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay in Xoolaha ay qaateen aysan keenayn inaad diidaan xaqii ay waajibka idinku lahaayeen oo ah inaad maqashaan oo adeecdaan, balse ku sabra oo maqala oo adeeca oo ha ku qabsanina Xukunka, oo Ilaahay waydiista xaqiina, oo ka barya inuu idiin hagaajiyo oo idinka celiyo Sharkooda iyo Dulmigooda.