عَنْ أَنَسٍ رضي الله عنه قَألَ:
كَانَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِذَا دَخَلَ الخَلاَءَ قَالَ: «اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنَ الخُبُثِ وَالخَبَائِثِ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 142]
المزيــد ...

Anas -Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa marka uu gelayo suuligo inuu dhaho: "Allahayow waxaan kaa magan gelayaa Shaydaanka kiisa lab iyo kiisa dhadigba."

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 142]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa markuu rabo inuu xaajo guto, kaadi ama saxaro, Ilaahay ayuu magan geli jiray, Isaguuna cuskan jiray inuu ka nabad galiyo sharka Shaydaanka lab iyo midka dhadigba. Waxaa kaloo lagu fasiray khubuska iyo khabaa`iska sharka iyo najaasada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Ducadan ayaa la suneeyey in la akhristo marka la gelaayo suuliga.
  2. Dhamaan khalqiga oo dhan waxay baahi u qabaan Rabigooda, inuu ka difaaco wax kastoo dhib ah oo dhibaatayn, xaalad walba oo ay ku sugan yihiin.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (56)