عن أبِي هريرة رضي اللَّه عنه: سمعتُ النبِيّ صلى الله عليه وسلم يقول:
«الفِطْرَةُ خمسٌ: الخِتَانُ والاستحدادُ وقصُّ الشَّارِبِ وتقليمُ الأظفارِ وَنَتْفُ الآبَاطِ».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 5891]
المزيــد ...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka maqlay isagoo dhahaya:
"Fidrada fiicani waa Shan: Gudniinka, xiiritaanka Bisqanta,Timaha Kilkilada".
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 5891]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey Shan wax yaabood oo Diinta Islaamka iyo Sunihii Ambiyada ka mid ah:
Tan koowaad: Gudniinka, waana jaritaanka la jaro haraga sare ee qariya Madaxa Buuryada Raga, iyo in la jaro Madax Kintirka Gabdhaha halka Buuryadu marayso korkeeda.
Tan labaad: waa xiiritaanka Timaha Bisqanta.
Tan seddexaad: gaabinta Timaha Shaarubaha, lamana ogola inay qariyaan Bishinta.
Tan afraad: waa jaritaanka Cidiyaha.
Tan Shanaad: waa Timaha Kilkillada oo la rifo.