+ -

عن عائشة رضي الله عنها قالت: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«السِّوَاكُ مَطْهَرَةٌ لِلْفَمِ، مَرْضَاةٌ لِلرَّبِّ».

[صحيح] - [رواه النسائي وأحمد]
المزيــد ...

Caa'isha- Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inay tiri: wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay scw.
(Cadaygu afka wuu nadiifiyaa Illaahayna wuu raali galiyaa).

Xadiis Saxiix ah. -

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay in laanta geedka cadayga ah iyo wixii la mida uu ka nadiifiyo afka iyo ilkaha wixii wasakha ama ur ah. Waana sababaha u keena adoonka Ilaahay raali ahaantiisa, waayo waxaa ku jira-cadayga adeecida Ilaahay iyo amarkiisa oo la qaato, iyo nadaafada Ilaahay jecel yahay.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda daajiika
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Fadliga cadayga, iyo Nabiga scw oo jeclaysiyey ummaddiisa inay cadayga badsadaan.
  2. Rumay waxaa u fadli badan laanta geedka cadayga iyo isticmaalka burshka iyo macjuunku wuxuu geli kara booska cadayga.