عن عائشة رضي الله عنها قالت: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«السِّوَاكُ مَطْهَرَةٌ لِلْفَمِ، مَرْضَاةٌ لِلرَّبِّ».

[صحيح] - [رواه النسائي وأحمد] - [مسند أحمد: 24203]
المزيــد ...

Caa'isha- Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inay tiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Cadaygu afka wuu nadiifiyaa Ilaahayna wuu raali galiya".

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxaa wariyay An-nisaa'i iyo Axmed] - [Musnadka Axmed - 24203]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in laanta geedka cadayga ah iyo wixii la mida uu ka nadiifiyo afka iyo ilkaha wixii wasakha ama ur ah. Wuxuuna ka mid yahay asbaabta u keenaysa Adoonka Ilaahay raali ahaantiisa, waayo waxaa ku jira-cadayga adeecida Ilaahay iyo amarkiisa oo la qaato, iyo nadaafada Ilaahay jecel yahay.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xadiiska waxaa ku sugan fadliga cadayga, iyo Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo jeclaysiyey Ummaddiisa inay cadayga badsadaan.
  2. Rumay waxaa u fadli badan laanta geedka cadayga iyo isticmaalka burshka iyo macjuunka way geli karaan booska cadayga.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (67)