+ -

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ مَالِكٍ ابْنِ بُحَيْنَةَ رضي الله عنه:
أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ إِذَا صَلَّى فَرَّجَ بَيْنَ يَدَيْهِ حَتَّى يَبْدُوَ بَيَاضُ إِبْطَيْهِ.

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 390]
المزيــد ...

Cabdullaahi Binu Maalik Binu Buxaynah -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey:
In Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- haduu tukanaayo wuxuu kala fogayn jiray labadiisa gacmood, ilaa ay muuqato cadaanta labadiisa kilkilo.

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 390]

Sharraxaad

Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- haduu sujuudayo wuu kala fogayn jiray labadiisa gacmood, oo gacan walba wuxuu u fogayn jiray dhinaceeda, sida labo baal oo kale, ilaa ay muuqato midabka labadiisa kilkilo. taasuna waa iyadoo lagu xeel dheeraado in labada gacmood sida baalal laga dhigo oo qofku ka fogeeyo labadiisa dhinac.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda dariya Luqadda serbiga Ruwanda Luqadda roomaaniya الموري Malgaashi Oromo Luqadda kinaadiga
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa suno in qaabkaas loo sujuudo, waana iyadoo laga fogeeyo labada cududood labada dhinac.
  2. Qofka ma`amuumka ah hadii kan ku dhinac tukanaya uu ku dhibtoonayo kala fogayntaas uma banaana kala fogayntu.
  3. kala fogaynta gacmaha ee sujuuda waxaa ku jira xikmad iyo faa'iidooyin badan, waxaa ka mid ah: muujinta firfircoonida iyo jaceylka salaada, haduu sujuuda ku taagsado xubin walba waxay qaadanaysaa xubin walba xaqa ay ku leedahay cibaadada, waxaa kaloo la yiri: taas xikmada ku jirtaa waa inay u eg tahay tawaaduc, waana sida ugu fiican oo wajiga iyo sanka dhulka loo saari karo, iyo in xubin walba gaar u soocanto.