عَنْ مَطَرِ بْنِ عُكَامِسٍ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«إِذَا قَضَى اللَّهُ لِعَبْدٍ أَنْ يَمُوتَ بِأَرْضٍ جَعَلَ لَهُ إِلَيْهَا حَاجَةً».

[صحيح] - [رواه الترمذي] - [سنن الترمذي: 2146]
المزيــد ...

Madar Binu Cukaamis Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee:
Ilaahay markuu ku xugmiyo adoon inuu ku dhinto dhul, dhulkaas ayaa Ilaahay dan ka geliyaa.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxaa wariyay At-tirmidi] - [Sunan At-tirmidi - 2146]

Sharraxa

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay: in Ilaahay haduu ku xugmiyo oo ku qadaro adoon inuu ku dhinto dhul uusan markaa joogin, Ilaahay wuxuu ka geliyaa dhulkaa dan uu ku tago, markuu tagana nafta looga qaada.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Xadiiskani wuxuu waafaqayaa hadalka Ilaahay casa wajala: (nafina ma oga dhulka ay ku dhiman doonto).
Bandhigga Tarjamooyinka
Luuqadda: الإنجليزية الأوردية الإسبانية Siyaadin (68)