عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«الْمُؤْمِنُ الْقَوِيُّ، خَيْرٌ وَأَحَبُّ إِلَى اللهِ مِنَ الْمُؤْمِنِ الضَّعِيفِ، وَفِي كُلٍّ خَيْرٌ، احْرِصْ عَلَى مَا يَنْفَعُكَ، وَاسْتَعِنْ بِاللهِ وَلَا تَعْجَزْ، وَإِنْ أَصَابَكَ شَيْءٌ، فَلَا تَقُلْ لَوْ أَنِّي فَعَلْتُ كَانَ كَذَا وَكَذَا، وَلَكِنْ قُلْ قَدَرُ اللهِ وَمَا شَاءَ فَعَلَ، فَإِنَّ (لَوْ) تَفْتَحُ عَمَلَ الشَّيْطَانِ».
[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2664]
المزيــد ...
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri
"Mu'uminka xoogga weyn, ayaa ka khayr badan lagana jecel yahay xaga Ilaahay Mu'uminka Daciifka ah, mid walbana khayr buu leeyahay, ku dadaal waxa ku anfacaya, Ilaahayna kaasho, hana caajisin, haddii wax kugu dhacana ha dhihin haddaan sidaa iyo sidaa yeeli lahaa, waxaadse tiraahdaa: Ilaahay wuxuu doonuu qadaraa wuxuu doonana wuu falaa, Ereyga "LOW" camalka Shaydaanka ayuu furaa".
[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2664]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Qofka Mu'uminku sidiisaba khayr badan yahay, hase ahaatee Mu'uminka xooga weyn xaga Iimaanka, go'aan qaadashada, maalka iyo waxa la midka ah ee wanaaga ah ayaa ka khayr badan Ilaahayna ka jecel yahay Mu'uminka Daciifka ka ah. Intaa ka dib wuxuu u dar-daarmay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Mu'uminka inuu qaato sababaha wax yaabaha anfacaya Aduun iyo Aakhiraba, isagoo Ilaahay tala saaranaya. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka reebay dadka Caajiska, Wahsiga iyo inuu ka Cuslaysto ficilka isaga anfacaya Ifka iyo Aakhiroba. Markuu Mu'uminku ku dadaalo camalka, sababihiisana qaato, isagoo Ilaahay kaashanaya, kheyrna ka dalbaya, Qofkaa waxaa la gudboon inuu arinkiisa Ilaahay u ban dhigo, wuxuu Ilaahay u doorana kheyr u yahay, Haddii intaa ka dib musiibo ku dhacado yaanu dhihin: "Haddaan sidaa iyo sidaa yeeli lahaa", ''waayo Ereyga "Low - haddan" camalka Shaydaanka ayey furtaa'' waana qadarkii oo la diidayo iyo ka qoomamayn wax tegay, laakiin waa inuu dhoho isagoo Ilaahay isku dhiibaya, kuna raali ah Qaddarkiisa'' Ilaahay ayaa qadaray wuxuu doonana ayuu falaa'', waxa dhacay waa wax Ilaahay horay u xukumay rabitaankiisana ku dhacay, Ilaahay isagaa wuxuu doono sameeya, Qaddarkiisana cidi isma hor taagi karto, loogamana dambeyn karo xugun kiisa.