1. Bogga-hore
  2. Noocyada
  3. Fadaa`isha iyo Aadaabta

Xaddiis Ducada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa ugu badnaa "Allahayow, Rabiyow, Adduunka nagu sii kheyr, Aakhirana nagu sii kheyr, nagana ilaali cadaabta Naarta-ee Aakhiro

عَنْ أَنَسٍ رضي الله عنه قَالَ:
كَانَ أَكْثَرُ دُعَاءِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «اللَّهُمَّ رَبَّنَا آتِنَا فِي الدُّنْيَا حَسَنَةً، وَفِي الآخِرَةِ حَسَنَةً، وَقِنَا عَذَابَ النَّارِ».

Anas Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Ducada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa ugu badnaa "Allahayow, Rabiyow, Adduunka nagu sii kheyr, Aakhirana nagu sii kheyr, nagana ilaali cadaabta Naarta-ee Aakhiro."

Xadiis Saxiix ah Xadiis la isku waafaqay Saxiix AlBukhaari - 6389

Sharraxa

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa mid badiya ducada ducooyinka kulmisa, waxaana ka mida: ''Allahayow, Rabiyow Adduunka nagu sii khayr, Aakhirana nagu sii khayr, cadaabta Nartana naga dheeree'', Ducadaasi waxay koobaysaa xasanada Adduunka ee ah risiq wanaagsan oo waasic ah, xaas wanaagsan, ubad indhuhu ku qabawsadaan, raaxo iyo cilmi wax tar leh, camal saalix ah, iyo wixii la mida ee wax yaabaha wanaagsan ee la jecel yahay ah ee mubaaxa ah, xasanada Aakhirana wuu kaga badbaadayaa ciqaabta Qabriga, iyo marka la taagan yahay Maxsharka, iyo inuu helo Raali ahaanta Ilaahay, kuna guulaysito nicmada joogtada ah, iyo Rabiga Raxiimka ah u dhawaantiisa.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Waxaa Suno ah in lagu ducaysto ducada kulmisa ducooyinka , iyadoo looga dayanaayo Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
  2. Waxaa ugu kaamilsan in Qofku ducadiisa ku kulmiyo khayrka Aduunyada iyo khayrka Aakhiraba.

Bandhigga Tarjamooyinka

59 Luuqadda
EN English الإنجليزية
UR اردو الأوردية
ES Español الإسبانية
ID Indonesia الإندونيسية
UG ئۇيغۇرچە الأيغورية
BN বাংলা البنغالية
FR Français الفرنسية
TR Türkçe التركية
RU Русский الروسية
BS Bosanski البوسنية
SI සිංහල السنهالية
HI हिन्दी الهندية
ZH 中文 الصينية
FA فارسی الفارسية
VI Tiếng Việt الفيتنامية
TL Tagalog تجالوج
KU Kurdî الكردية
HA Hausa الهوسا
PT Português البرتغالية
ML മലയാളം المليالم
TE తెలుగు التلغو
SW Kiswahili السواحيلية
TA தமிழ் التاميلية
MY မြန်မာ البورمية
TH ไทย التايلندية
DE Deutsch الألمانية
PS پښتو بشتو
AS অসমীয়া الأسامية
SQ Shqip الألبانية
SV Svenska السويدية
AM አማርኛ الأمهرية
NL Nederlands الهولندية
GU ગુજરાતી الغوجاراتية
KY Кыргызча القيرقيزية
NE नेपाली النيبالية
YO Yorùbá اليوروبا
LT Lietuvių الليتوانية
PRS دری الدرية
SR Српски الصربية
TG тоҷикӣ الطاجيكية
RW Kinyarwanda الكينياروندا
RO Română الرومانية
HU Magyar المجرية
CS Čeština التشيكية
MOS Moore الموري
MG Malagasy المالاجاشية
IT Italiano الإيطالية
OM Oromoo الأورومو
KN ಕನ್ನಡ الكانادا
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan الأذربيجانية
UZ O‘zbek الأوزبكية
UK Українська الأوكرانية
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية