عَنْ شَدَّادِ بْنِ أَوْسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«سَيِّدُ الِاسْتِغْفَارِ أَنْ تَقُولَ: اللَّهُمَّ أَنْتَ رَبِّي لاَ إِلَهَ إِلَّا أَنْتَ، خَلَقْتَنِي وَأَنَا عَبْدُكَ، وَأَنَا عَلَى عَهْدِكَ وَوَعْدِكَ مَا اسْتَطَعْتُ، أَعُوذُ بِكَ مِنْ شَرِّ مَا صَنَعْتُ، أَبُوءُ لَكَ بِنِعْمَتِكَ عَلَيَّ، وَأَبُوءُ لَكَ بِذَنْبِي فَاغْفِرْ لِي، فَإِنَّهُ لاَ يَغْفِرُ الذُّنُوبَ إِلَّا أَنْتَ» قَالَ: «وَمَنْ قَالَهَا مِنَ النَّهَارِ مُوقِنًا بِهَا، فَمَاتَ مِنْ يَوْمِهِ قَبْلَ أَنْ يُمْسِيَ، فَهُوَ مِنْ أَهْلِ الجَنَّةِ، وَمَنْ قَالَهَا مِنَ اللَّيْلِ وَهُوَ مُوقِنٌ بِهَا، فَمَاتَ قَبْلَ أَنْ يُصْبِحَ، فَهُوَ مِنْ أَهْلِ الجَنَّةِ».

Shadaad Binu Aws Allaha ka rali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
" Sayidka istiqfaartu waa inaad tiraahdo: Allahayow adigaa Rabigay ah Ilaah aan adiga ahayn ma jiro, adigaa i abuuray ana Adoonkaagii ayaan ahay waxaan ku taagnahay balantaada iyo balan qaadkaaga intaan awoodo, waxaan kaa magan galayaa waxaan sameeyey Shartooda, waan qirsanahay Nicmooyinka aad i siisay, waan kaaga towbadkeenay danbigayga ee ii dhaaf, adiga maahee cid kale danbiyada ma dhaaftee" wuxuu yiri: " Qofkii yiraahda Maalintii isagoo yaqiinsan, oo dhinta Maalintaas galabtii ka hor waa Ehlu Jano, Qofkii yiraahda Habeenkii isagoo yaqiinsan, oo dhinta Habeenkaas inta aan waagu baryin, waa Ehlu Jano".

Xadiis Saxiix ah Waxa wariyay Albukhaari Saxiix AlBukhaari - 6306

Sharraxa

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in istiqfaartu ay leedahay Ereyo, kuwa ugu fadliga badana ay yihiin inuu Adoonku dhoho: ''Allahayow, adaa Rabigay ah, Ilaah aan adiga ahayni majiro, waad i abuurtay ana Adoonkaagaan ahay, waxaanan ku jiraa balankaagii iyo balan qaadkaagii inta aan awoodo, waxaan kaa magan galayaa Sharka aan sameeyo dhibkiisa, waxaan kuu ogsoonahay oo qiraya Nicmooyinka aad i siisay, waxaan qirsanahay dambigayga, Allahayow ii dambi dhaaf, mid aan Adiga ahayn oo dambiga dhaafi karaa majiree'' Marka hore Adoonku wuxuu u qirayaa towxiidka, iyo in Ilaahay abuuray oo uu caabudayo isagoon cidna la wadaajin, oo Addoonku ku kusugan yahay wuxuu Ilaahay kula ballamay ee iimaan iyo u hoggaansan Ilaahay ah kolba inta Awooddiisu tahay, waayo Adoonku sikasta oo uu u cibaadaysto haddana lama iman karo dhamaan wixii Ilaahay faray ee cibaado ah, iyo inuu guto mahadnaqii looga baahnaa ee Nicmooyinka Ilaahay, Adoonku llaahay buu cuskadaa, Diintiisana qabsadaa, Isaguuna Adoonku ka hoos galaa Sharka ay Naftiisu samayso. Ilaahay ayuu u qirayaa Nicmada uu siiyey, wuxuu Naftiisa ula noqonayaa inuu qirto oo citiraafo gafkiisa iyo dambigiisa. Codsigaa uu Ilaahay u jeediyey ka dib, Adoonku wuxuu Ilaahay ka baryayaa inuu u dambi dhaafo, oo uu u asturo dambiyadiisii oo kaga Ndiifiyo dembiyada cafiskiisa, fadligiisa iyo naxariistiisa, waayo cid aan Ilaahay wayne kor ahaaye ahayn oo dambiyada Adoomada dhaafi karta majirto. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inay ka mid tahay wardiga Subaxa iyo Habeenka, Qofka akhriya bilawga Maalinta isagoo yaqiinsan macneheedana dhadhan sanaya rumaysana, inta u dhaxaysa Qorax soo baxa ilaa Sawaalka -oo ah markay bartamaha Samada u yara dhaafto wax yar Qoraxdu xagga Qorax dhaca-, waana waqtiga Maalinimada ah ee sidaa ku dhinta Janaduu gelayaa. Qofka Habeenka akhriyana, waana Qorax dhaca ilaa soo bixitaanka Fajarka, oo sidaa ku dhinta intaanu Waabariisan Janaduu gelayaa.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Siiqadaha loo istiqfaarsado way kala duwan yihiin, qaarba qaarka kale ka fadli badan.
  2. Waxaa la gudboon Adoonka inuu ku dadaalo baryada uu Ilaahay baryo inuu ducadaa ku baryo, waayo waa Boqorka istiqfaarta.

Bandhigga Tarjamooyinka

57 Luuqadda
EN English الإنجليزية
UR اردو الأوردية
ES Español الإسبانية
ID Indonesia الإندونيسية
UG ئۇيغۇرچە الأيغورية
BN বাংলা البنغالية
TR Türkçe التركية
RU Русский الروسية
BS Bosanski البوسنية
SI සිංහල السنهالية
HI हिन्दी الهندية
ZH 中文 الصينية
FA فارسی الفارسية
VI Tiếng Việt الفيتنامية
TL Tagalog تجالوج
KU Kurdî الكردية
HA Hausa الهوسا
PT Português البرتغالية
ML മലയാളം المليالم
TE తెలుగు التلغو
SW Kiswahili السواحيلية
MY မြန်မာ البورمية
TH ไทย التايلندية
DE Deutsch الألمانية
PS پښتو بشتو
AS অসমীয়া الأسامية
SQ Shqip الألبانية
SV Svenska السويدية
AM አማርኛ الأمهرية
NL Nederlands الهولندية
GU ગુજરાતી الغوجاراتية
KY Кыргызча القيرقيزية
NE नेपाली النيبالية
YO Yorùbá اليوروبا
LT Lietuvių الليتوانية
PRS دری الدرية
SR Српски الصربية
TG тоҷикӣ الطاجيكية
RW Kinyarwanda الكينياروندا
RO Română الرومانية
HU Magyar المجرية
CS Čeština التشيكية
MOS Moore الموري
MG Malagasy المالاجاشية
IT Italiano الإيطالية
OM Oromoo الأورومو
KN ಕನ್ನಡ الكانادا
WO Wolof الولوف
AZ Azərbaycan الأذربيجانية
UZ O‘zbek الأوزبكية
UK Українська الأوكرانية
KA ქართული الجورجية
MK Македонски المقدونية
KM ភាសាខ្មែរ الخميرية
PA ਪੰਜਾਬੀ البنجابية
MR मराठी الماراثية
KMR Kurmancî الكرمنجية