عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال:
«كَلِمَتَانِ خَفِيفَتَانِ عَلَى اللِّسَانِ، ثَقِيلَتَانِ فِي الْمِيزَانِ، حَبِيبَتَانِ إِلَى الرَّحْمَنِ: سُبْحَانَ اللهِ الْعَظِيمِ، سُبْحَانَ اللهِ وَبِحَمْدِهِ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 6406]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
"Labo eray oo ku fudud Carabka, kuna culus Miisaanka, Raxmaankuna jecel yahay: waa: Subxaana Allahi Alcadiim, Subxaana Allahi wa Bixamdihi."

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 6406]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay laba eray oo dadku u oran karaan si fudud iyo xaalad kasta oo ay joogaan, oo ajarkoodu ku wayn yahay miisaanka, Rabigeena Raxmaankuna jecel yahay.
Subxaana Allaahi Alcadiim, Subxaan Allaahi wa Bixamdihi, ereyadaani Ilaahay waxay ku sifaynayaan waynaan iyo kaamilnimo, iyo in Ilaahay laga nasaho nuqsaanta isagaa sareeyee.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Dikriga ugu wayn waa in lagu kulmiyo Ilaahay nasahnaantiisa iyo amaantiisa.
  2. Waxaa cad Ilahay Raxmadiisa waasica ah ee uu siiyey Adoomadiisa, camal yar ayuu ku abaal marinayaa ajar weyn.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (67)