عن جابر رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول:
«أَفْضَلُ الذِّكْرِ: لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، وَأَفْضَلُ الدُّعَاءِ: الْحَمْدُ لِلهِ».

[حسن] - [رواه الترمذي والنسائي في الكبرى وابن ماجه] - [سنن الترمذي: 3383]
المزيــد ...

Jaabir Ilaahay ha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya:
"Dikri waxaa u fadli badan: laa Ilaaha Ilaa Allaah, ducuna waxaa u fadli badan: Alxamdu lilaah".

[Xadiis Xasan ah] - [Waxaa wariyay At-tirmidi, An-nisaa'i oo Sunan kubraa ah iyo Ibnu Maajah] - [Sunan At-tirmidi - 3383]

Sharraxa

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in dikriga ugu fadli badni yahay: laa Ilaaha ilaa Allaah, oo macnaheedu yahay: ma jiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan Allah ahayn, ducana waxaa ugu fadli badan Alxamdu lillaah, waana qirid kan nicmada bixiyaa inuu Ilaahay yahay, isagaa xaq u leh in lagu sifeeyo wanaag oo dhan.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Waxaa la isku boorinayaa in lagu badiyo dikriga Ilaahay erayga towxiidka, ducadana erayga Alxamdu lillaah.
Bandhigga Tarjamooyinka
Luuqadda: الإنجليزية الأوردية الإسبانية Siyaadin (69)