عن سَمُرَة بن جندبٍ رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«أَحَبُّ الْكَلَامِ إِلَى اللهِ أَرْبَعٌ: سُبْحَانَ اللهِ، وَالْحَمْدُ لِلهِ، وَلَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، وَاللهُ أَكْبَرُ، لَا يَضُرُّكَ بِأَيِّهِنَّ بَدَأْتَ».

[صحيح] - [رواه مسلم] - [صحيح مسلم: 2137]
المزيــد ...

Samura Binu Jundub Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:
"Ilaahay hadalka wuxuu u jecel yahay Afar: subxaana Allaah, Alxamdu lilaah, laa ilaaha ilaa Allaah, Allaahu akbar, dhib maleh tii aad ka bilowdaa.

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxa wariyay Muslim] - [Saxiix Muslim - 2137]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey Ilaahay inuu hadalka Afar ugu jecel yahay:
Subxaana Allaah: waxayna tahay Ilaahay wuu ka nasahan yahay wax kastoo nusqaan ah.
Alxamdu lillaahi: Ilaahay wuxuu ku sifoobay kaamilnimo taam ah oo ay la socoto waynayntiisa iyo jeclaantiisa.
Laa ilaaha ilaa Allaah: majiro Ilaah xaq lagu caabudo oo aan ahayn Allah.
Allaahu Akbar: Ilaahay ayaa ka weyn oo ka cisi badan, oo ka sharaf badan cid kasta.
Fadliga ereyadan iyo ajarkooduba kuma xirna inay iskugu xigaan, marka lagu dhawaaqayo.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Shareecada Islaamku way fududahay dhibna kuma jiro ereyadaan kii aad ka bilowdo.
Bandhigga tarjumada.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish dheeraad/kordhin (67)