+ -

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال:
سُئِلَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَنْ أَكْثَرِ مَا يُدْخِلُ النَّاسَ الْجَنَّةَ، فَقَالَ: «تَقْوَى اللهِ وَحُسْنُ الْخُلُقِ»، وَسُئِلَ عَنْ أَكْثَرِ مَا يُدْخِلُ النَّاسَ النَّارَ فَقَالَ: «الْفَمُ وَالْفَرْجُ».

[حسن صحيح] - [رواه الترمذي وابن ماجه وأحمد]
المزيــد ...

Abii Hurayra Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey inuu yiri:
Rasuulka Ilaahay scw waxaa la waydiiyey waxa ugu badan ee janada lagu galo, wuxuuna yiri: "waa cabsida Ilaahay iyo Akhlaaq wanaagga ", waxa kaloo la waydiiyey waxa ugu badan ee naarta lagu galo, wuxuuna yiri: "waa afka iyo farjiga."

Xadiis Saxiix ah. - Waxaa wariyay At-tirmidi

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey asbaabta ugu wayn ee janada lagu galo inay yihiin labo sababood oo ah:
Ilaahay cabsidiisa iyo akhlaaq wanaagsan.
Ilaahay cabsidiisu: waa inaad samaysataa wax cadaabka Ilaahay kaa xigsada, taasoo ah inaad amarkiisa raacdo kana fogaato wixii uu kaareebay.
Akhlaaq wanaaguna: waa waji furnaanta, wanaag samaynta iyo dhibka oo la joojiyo.
Asbaabta ugu wayn ee naarta lagu galana waa labo sababood, ku waasoo ah:
Carabka iyo farjiga.
Carabka macsidiisa waxaa ka mid ah: beenta, xanta, isku dirka iyo wixii la mid ah.
Farjiga macsidiisa waxaa ka mid ah: sinada, khaniisida, iyo wixii la mid ah.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Galitaanka janadu waxay leedahay sababo Ilaahay ku xiran, waxaana ka mida Ilaahay cabsidiisa, iyo sababo dadka ku xiran, waxaana ka mid ah: akhlaaq wanaaga.
  2. Khatarta carabku u leeyahay qofka, iyo inuu ka mid yahay asbaabta naarta lagu galo.
  3. Khatarta shahawaadka iyo fuxshigu u leeyihiin dadka, iyo inuu ka mid yahay asbaabta ugu badan ee naarta lagu galo.