عن أبي هريرة رضي الله عنه قال:
سُئِلَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَنْ أَكْثَرِ مَا يُدْخِلُ النَّاسَ الْجَنَّةَ، فَقَالَ: «تَقْوَى اللهِ وَحُسْنُ الْخُلُقِ»، وَسُئِلَ عَنْ أَكْثَرِ مَا يُدْخِلُ النَّاسَ النَّارَ فَقَالَ: «الْفَمُ وَالْفَرْجُ».

[حسن صحيح] - [رواه الترمذي وابن ماجه وأحمد] - [سنن الترمذي: 2004]
المزيــد ...

Abii Hurayra Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa la waydiiyey waxa ugu badan ee Janada lagu galo, wuxuuna yiri: "waa cabsida Ilaahay iyo Akhlaaq wanaaga ", waxa kaloo la waydiiyey waxa ugu badan ee Naarta lagu galo, wuxuuna yiri: "waa Afka iyo Farjiga."

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxaa wariyay At-tirmidi, Ibnu Maajah iyo Axmed] - [Sunan At-tirmidi - 2004]

Sharraxa

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey asbaabta ugu wayn ee Janada lagu galo inay yihiin labo sababood oo ah:
Ilaahay cabsidiisa iyo akhlaaq wanaagsan.
Ilaahay cabsidiisu: waa inaad samaysataa wax cadaabka Ilaahay kaa xigsada, taasoo ah inaad amarkiisa raacdo kana fogaato wixii uu kaareebay.
Akhlaaq wanaaguna: waa waji furnaanta, wanaag samaynta iyo dhibka oo la joojiyo.
Asbaabta ugu wayn ee Naarta lagu galana waa labo sababood, ku waasoo ah:
Carabka iyo Farjiga.
Carabka macsidiisa waxaa ka mid ah: Beenta, Xanta, isku dirka iyo wixii la mid ah.
Farjiga macsidiisa waxaa ka mid ah: Sinada, Khaniisida, iyo wixii la mid ah.

Faa`iidooyinka Xaddiiska

  1. Galitaanka Janadu waxay leedahay sababo Ilaahay ku xiran, waxaana ka mida Ilaahay cabsidiisa, iyo sababo dadka ku xiran, waxaana ka mid ah: akhlaaq wanaaga.
  2. Khatarta Carabku u leeyahay Qofka, iyo inuu ka mid yahay asbaabta Naarta lagu galo.
  3. Khatarta Shahawaadka iyo Fuxshigu u leeyihiin dadka, iyo inay ka mid yihiin asbaabta ugu badan ee Naarta lagu galo.
Bandhigga Tarjamooyinka
Luuqadda: الإنجليزية الأوردية الإسبانية Siyaadin (68)