عن عبد الله بن عمر رضي الله عنهما قال:
سَمِعَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ رَجُلًا يَعِظُ أَخَاهُ فِي الْحَيَاءِ، فَقَالَ: «الْحَيَاءُ مِنَ الْإِيمَانِ».
[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح مسلم: 36]
المزيــد ...
Cabdullaahi Binu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri:
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu maqlay nin ka waaninaaya Walaalkii Xishoodka, wuxuuna ku yiri: " "Xishoodku iimaankuu ka mid yahay ".
[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix Muslim - 36]
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu maqlay nin Walaalkii ku waaninaaya inuu ka tago Xishoodka badan! wuxuuna u cadeeyey Nabigu inuu Xishoodku iimaanka ka mid yahay, waxaan khayr ahayna ma keenayo.
Xishoodkuna waa akhlaaqda ku bixinaysa Qofka inuu wanaaga sameeyo oo xumaanta ka tago.