+ -

عن أبي موسى الأشعري رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
«إِذَا مَرِضَ الْعَبْدُ أَوْ سَافَرَ كُتِبَ لَهُ مِثْلُ مَا كَانَ يَعْمَلُ مُقِيمًا صَحِيحًا».

[صحيح] - [رواه البخاري]
المزيــد ...

Abi Muusa Alashcari Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri:
(Hadii addoonku jirado ama uu safro waxaa loo qoraa xasanaadkii uu qaban jiray markuu daganaa ee uu caafimaadka qabay).

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Albukhaari.

Sharaxaad

Nabigu scw wuxuu sheegay fadliga Ilaahay iyo raxmaddiisa, hadii qofka muslimka ahi caadaysto inuu sameeyo camal wanaagsan marka uu caafimaadka qabo ee gurigiisa joogo ka dibna uu ku yimaado wax cudurdaar ah sida jiro oo uu awoodi waayo inuu camalkii suubiyo ama uu kaga mashquulo safar ama wax kale, waxaa loo qoroyaa ajar kaamil ah sidii isagoo sameeyey camalka markuu gurigiisa joogay oo uu caafimaadka qabay oo kale.

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda daajiika Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Ilaahay fadligiisa waasica ah ee uu siiyey adoomadiisa.
  2. Waxaa la isku boorinayaa in lagu dadaalo cibaadada oo laga faa'iidaysto waqtiga caafimaadka iyo firaaqada la ahaysto.