+ -

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ:
«كُلُّ سُلاَمَى مِنَ النَّاسِ عَلَيْهِ صَدَقَةٌ، كُلَّ يَوْمٍ تَطْلُعُ فِيهِ الشَّمْسُ يَعْدِلُ بَيْنَ الِاثْنَيْنِ صَدَقَةٌ، وَيُعِينُ الرَّجُلَ عَلَى دَابَّتِهِ فَيَحْمِلُ عَلَيْهَا أَوْ يَرْفَعُ عَلَيْهَا مَتَاعَهُ صَدَقَةٌ، وَالكَلِمَةُ الطَّيِّبَةُ صَدَقَةٌ، وَكُلُّ خُطْوَةٍ يَخْطُوهَا إِلَى الصَّلاَةِ صَدَقَةٌ، وَيُمِيطُ الأَذَى عَنِ الطَّرِيقِ صَدَقَةٌ».

[صحيح] - [متفق عليه] - [صحيح البخاري: 2989]
المزيــد ...

Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri:
"Xubin kasta oo xubnaha jirka ka mida waxaa ku waajiba sadaqo, maalin kasta oo qoraxdu soo baxdo, labo qof oo uu dhex-dhexaadiyo waa u sadaqo, haduu ka caawiyo nin gaadiidkiisa isagoo gacan ku siinaya inuu fuulo ama alaabtiisa u soo dhiiba waa u sadaqo, hadalka fiicana waa u sadaqo, talaabo walba oo uu masaajidka u qaadaana waa u sadaqo, dariiqa oo dhibka uu ka fogeeyana waa u sadaqo."

[Xadiis Saxiix ah] - [Xadiis la isku waafaqay] - [Saxiix AlBukhaari - 2989]

Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey in muslim kasta oo qaan gaar ah laga rabo maalin kasta xubin walba oo xubnaha jirkiisa ka mida sadaqo uu Ilaahay darti ula baxo isagoo uga mahad celinaaya Ilaahay caafimaadka, iyo inuu uga dhigay lafhiisa xubno uu soo laabi karo oo uu fidin karo. Sadaqadaas waxaa lagu bixin karaa camal kasta oo wanaagsan ee kuma xirna in xoolo la bixiyo oo kaliya waxaana ka mid ah: Dhex-dhexaadintaada iyo heshiisiintaada labo is heysata waa sadaqo, Midka aan awoodin inuu fuulo ama raro gaadiidkiisa oo aad caawisana waa sadaqo, hadalka wanaagsan sida: dikriga, ducada, salaanta, iyo qayrkeed waa sadaqo, Talaabo kasta oo aad u qaado salaada waa sadaqo, Dariiqa oo aad ka qaado wixii lagu dhibtoonayo waa sadaqo.

Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taylaand Luqadda bushtuuga Asaami Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda dariya Luqadda roomaaniya Oromo
Bandhigga tarjumada.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Qaabka ay iskugu rakiban yihiin lafaha iyo xubnaha aadanuhu waa nicmooyinka Ilaahay ee ugu waaweyn, waxaana loo baahan yahay in xubin walba sigaar ah looga sadaqo bixiyo, si ay u noqoto mahadnaqa nicmadaas.
  2. Waxaa la is jeclaysiinayaa in la cusboonaysiiyo mahadnaqa maalin kasta, si ay nicmadaasi joogto u noqoto.
  3. Waxaa la is jeclaysiinayaa in la joogteeyo sunaha iyo sadaqada maalin kasta.
  4. Fadli wayn ayuu ku jira in dadka la heshiisiiyo .
  5. Waxaa la isku boorinayaa in ninku walaalkiis caawiyo, waayo caawintiisu waa sadaqo.
  6. Waxaa la isku boorinayaa in la tago jamaacaadka oo loo socdo salaada, oo masaajida lagu camiro arinkaas.
  7. Waa waajib in la ixtiraamo dariiqa muslimiintu marayaan lagana fogeeyo wixii muslimiimta dhibayaa.