+ -

عن أبي هريرة رضي الله عنه:
أَنَّ رَجُلًا قَالَ لِلنَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: أَوْصِنِي، قَالَ: «لَا تَغْضَبْ» فَرَدَّدَ مِرَارًا قَالَ: «لَا تَغْضَبْ».

[صحيح] - [رواه البخاري]
المزيــد ...

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey-:
Nin inuu ku yiri Rasuulka: ii dardaaran, Nabiguna ku yiri; " ha caroon " wuu ku celceliyey dhowr jeer wuxuu ku yiri: " ha caroon ".

Xadiis Saxiix ah. - Waxa wariyay Albukhaari.

Sharaxaad

Asaxaabta Nabiga mid ka mida ayaa waydiistey Nabiga scw inuu tuso wax anfacaya, wuxuu faray inaanu caroon, oo macnaheedu yahay inuu ka fogaado sababta u keenaysa carada, iyo inuu naftiisa hanto markuu caroodo, oo aanu ku sii socon caradiisa oo aanay gaarsiin inuu wax dilo ama garaaco, ama caayo, iyo wixii la mida.
Ninku waa ku celceliyey codsigiisa uu dardaaranka ku rabay dhowr jeer, Nabiguna scw kama siyaadin ereygii ahaa " "ha caroon " ".

Tarjamada: Ingriisi Urduu Luqadda isbaanishka Indooniisi Luqadda iigoorka Luqadda bengaaliga Faransiis Luqadda turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda hindida Luqadda shiinaha Luqadda faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda tajaluga Luqadda kurdiga Luqadda hawsaha Luqadda boorta qiiska Luqadda Malayalam Luqadda talgu Luqadda sawaaxiliga Luqadda taymelka Luqadda boomiyaanka Luqadda taylandiga Luqadda jarmalka Luqadda jabbaaniiska Luqadda bushtuuga Luqadda asaamii Luqadda Albaaniya Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Luqadda yuruuba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Luqadda kiniya ruwadiga
Bandhigga tarjamada.

Faa,iidooyinka xaddiiska laga faa,iidaysanayo waxaa kamid ah.

  1. Waa laga digay carada iyo sababteeda, waayo waa halka shartu ku kulanto, in carada laga xoroobana waa halka khayrku ku kulmo.
  2. Ilaahay darti in loo caroodo sida carada marka lagu xud gudbo Ilaahay maxaarimtiisa waa caro wanaagsan.
  3. Hadalka oo lagu celceliyo markay baahi jirto ilaa uu fahmo kan dhagaysanayaa oo uu garto ahmiyadiisa.
  4. Fadliga ay leedahay in la waydiisto dardaaran qofka caalimka ah.