+ -

عن عمر بن الخطاب رضي الله عنه قال: إنه سمع نبي الله صلى الله عليه وسلم يقول:
«لَو أَنَّكُمْ تَتَوَكَّلُونَ عَلَى اللهِ حَقَّ تَوَكُّلِهِ، لَرَزَقَكُمْ كَمَا يَرْزُقُ الطَّيْرَ، تَغْدُو خِمَاصًا وَتَرُوحُ بِطَانًا».

[صحيح] - [رواه الترمذي وابن ماجه وأحمد] - [مسند أحمد: 205]
المزيــد ...

Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo dhahaya:
"Hadii aad Ilaahay u talo saaran lahaydeen tawakulka dhabta ah, wuxuu idiin arsaaqi lahaa siduu shimbiraha u arsaaqo, waxay kalahdaa iyadoo gaajaysan, waxayna soo hoyataa iyadoo dharagsan ".

[Xadiis Saxiix ah] - [Waxaa wariyay At-tirmidi, Ibnu Maajah iyo Axmed] - [Musnadka Axmed - 205]

Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu inagu boorinayaa inaan Ilaahay casa wajala, ku kalsoonaano markaan nafaca doonayno ama dhib iska reebayno aduun iyo ِ Aakhiroba ku saabsan, waayo cid aan Ilaahay ahayn wax ma bixiso wax ma diido, wax ma dhibto waxna ma tarto. Nabigu wuxu inagu boorinayaa inaan la imaano asbaabta keenaysa inaan nafac doono iskan joojino dhibka inagoo Ilaahay si dhab ah ugu kalsoon, goortaan sidaa samayno Ilaahay wuxuu inoo irsaaqayaa sida uu shimbirta u irsaaqo, waxay baxdaa subixii iyadoo baahan ka dib waxay soo laabataa galabtii iyadoo calooshu u buuxdo, ficilkaa ay shimbirtu samaysay waa nooc asbaabtii raadinta iyo doonista irsaaqada ah, iyadoo aan la samaynayn isku halayn iyo caajis midna.

Faa'iidooyinka xaddiiska laga faa'iideysanayo waxaa kamid ah.

  1. Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga uu leeyahay talo saarashada llaahay, iyo inuu ka mid yahay asbaabta ugu weyn ee arsaaqada lagu doono.
  2. Talo saarashada Ilaahay ma diidayso in ficil iyo asbaab lala yimaado, waayo wuxuu sheegay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee tawakulka dhabta ahi kama hor imaanayo in aroortii iyo galabtii irsaaqad la doonto.
  3. Shareecadu waxay ahmiyada siisaa acmaasha Qalbiga, waayo tawakalku waa camal Qalbiga ah.
  4. Asbaabta kaligeed in la isku haleeyo waa nusqaanta Diinta, asbaabta oo laga tagana waa nusqaanta Caqliga ah.
Tarjumada: Engriisi Urduu Isbaanish Indunuusi Luqadda iigoorka Luqadda Bengaaliga Faransiis Luqadda Turkiga. Ruush Boosni Luqadda Sanhaaliga Luqadda Hindida Luqadda Shiinaha Luqadda Faarisiga Luqadda fiitnaam Luqadda Tajaluga Kurdiga Hawsaha Boortaqiis Malayaalim Telgoo Sawaaxili Taymaali Boorma Taylaand Jarmal Japan Luqadda bushtuuga Asaami Albaani Luqadda iswiidhen Luqadda Amxaariga Luqadda hoolandiga Luqadda gujaraatka Luqadda qer-qeesiya Luqadda nebool Yorba Luqadda Liitawaaniga Luqadda dariya Luqadda serbiga Luqadda daajiika Ruwanda Luqadda roomaaniya Luqadda hangeriga Luqadda jeegga الموري Malgaashi Luqadda foolaaniga Talyaani Oromo Luqadda kinaadiga الولوف البلغارية Adrabijaan اليونانية الأكانية Luqadda usbiika Luqadda yukreyn الجورجية المقدونية
Bandhigga tarjumada.